HomeWararRa’iisul Wasaare Cumar oo la kulmay dhigiisa Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo la kulmay dhigiisa Talyaaniga.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Rome, March 16, 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, waxana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Rome, March 16, 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, waxana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dawladood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa loo sameeyey.
Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ay Dowladdu sameeysey ee la xiriira dhanka amniga, dhismaha maamullada dalka, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga iyo dib-u-eegista dastuurka Qaranka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ballanqaaday inuu garab
taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaan
shacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta nabad-gelyada iyo sidii Soomaaliya ay mar-kale cagaheeda isugu taagi lahayd, iyadoo labada Ra’iisul Wasaare isla garteen in la abaabulo Shirka Iskaashiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga si kor loogu sii qaado xiriirka labada dal ee soo jireenka ah .

Halkan ka Daawo Muuqaalka Soo dhaweynta R.W

RW RW2

- Advertisement -

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts