HomeWararXukuumadda Federalka oo ka hadashay Duqeymihii Maraykanka ku dileen 150 dagaalyahano Alshabaab.

Xukuumadda Federalka oo ka hadashay Duqeymihii Maraykanka ku dileen 150 dagaalyahano Alshabaab.

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay inay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA taageero ka geysteen xogta ku aadan Duqeynta ay Diyaaradaha Maraykanka la beegsadeen Xero ay Alshabaab ku tababar qaataan oo ku taalla duleedka Degmadda Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan. Wasiirka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay inay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA taageero ka geysteen xogta ku aadan Duqeynta ay Diyaaradaha Maraykanka la beegsadeen Xero ay Alshabaab ku tababar qaataan oo ku taalla duleedka Degmadda Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS ee laga leeyahay dalka Britain, wuxuuna xusay inay Sirdoonka Somalia taageero ka geysteen Duqeyntaasi.

- Advertisement -

“Waxay duqeyntaasi dhabar-jab xooggan ku tahay Alshabaab, waxay tahay guul weyn oo laga soo hooyey La-dagaalanka Argagixisadda” ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Waxa uu intaasi ku daray inay duqeyntaasi ahayd bartilmaameed Milliteri, isagoo tilmaamay inay  Alshabaab weeraraan dadka Rayidka.

Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu ku soo beegmay iyada oo uu Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon”, Captain Jeff Davis sheegay inay 150 dagaalyahano Alshabaab ku dileen duqeymo ay ka geysteen Xeradda Tababarka Raaso oo 120 maylis dhanka Waqooyiga kaga toosan magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Duqeymahaasi u adeegsadeen Diyaaradaha Duuliyaha leh iyo kuwa la hago ee Droneska.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon”, Kabtan Jeff Davis waxa uu tilmaamay inay Sirdoonka Maraykanka muddo dhowr Toddobaad ilaalo ku hayeen Xeradda Rasso, ka hor inta aan la qaadin Weerarkaasi oo uu xusay in looga hortegay Khatar ka soo socotay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka waxa uu tilmamaay inay ka hortageen waxa uu ugu yeeray Khatar ku soo fool lahayd Maraykanka iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia.

Afhayeenka Pentagon waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin kale ka bixiyo qaabka ay Maraykanka ugu suurtogashay inay beegsadaan Xeradaasi.

©Radio Dalsan

Latest stories