HomeWararMuwaadin Somali Maraykan horey ugu hanjabay FBI-da oo la soo maxkamadaynayo.

Muwaadin Somali Maraykan horey ugu hanjabay FBI-da oo la soo maxkamadaynayo.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Khaalid C/qaadir oo 20-jir ayaa la filayaa in maanta la soo taago Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis, iyadoo loo haysto inuu sannadkii hore bartiisa Twitterka ku qoray inuu dili doono Garsoor Maxkamadeed iyo Saraakiil ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI. Dukumentiyadda Maxkamadda buuxisay ayaa lagu xusay inuu  Eedeysane Khaalid C/qaadir tirtiray qoraalka uu ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Khaalid C/qaadir oo 20-jir ayaa la filayaa in maanta la soo taago Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis, iyadoo loo haysto inuu sannadkii hore bartiisa Twitterka ku qoray inuu dili doono Garsoor Maxkamadeed iyo Saraakiil ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI.

Dukumentiyadda Maxkamadda buuxisay ayaa lagu xusay inuu  Eedeysane Khaalid C/qaadir tirtiray qoraalka uu ku qoray Bartiisa Twitterka muddo u dhexeysay 20 ama 25 daqiiqo, kadib, markii uu qoraalkaasi ku diray Twitterkiisa.

- Advertisement -

Baarayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha qoraalkaasi hanjabaadda qoray saacado kadib, markii la qabtay saaxiibkiisa oo lagu magacaabo C/risaaq Warsame, kaasi oo lagu soo oogay inuu Daacish ku taageeray Qalab.

Dadka uu Khaalid C/qaadir ugu hanjabay inuu dili doono ayaa kala ahaa Garsoore Michael Davis iyo xubno ka tirsan Ciiddanka FBI-da ugu qaabilsan La-dagaalanka Argagixisadda.

Qareenka u doodayo Eedeysanaha oo lagu magacaabo Chris Madel ayaa sheegay inuu filayo inuu Eedeysanaha qirto Dembigaasi, maadaama ay Maxkamadda hayso caddaymo cusub oo muujinaya Fal-dembiyeedka loo haysto.

- Advertisement -

Eedeysanaha ayaa la sheegay haddii uusan qiranin Dembigiisa inuu muteysan karo 15-sanno oo Xabsi ah.

Qareenka waxa uu xusay inay suurtogal tahay in Eedeysanaha isla maanta laga siiyo Xarunta haatan lagu hayo.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Maxkamadda Minneapolis iyo Qoyska Eedeysanaha wey ka gaabsadaeen inay ka hadlaan qorshaha lagu sii dayn doono Eedeysanahaasi oo xirnaa tan iyo bishii December 10-dii ee sannadkii hore 2015-ka.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts