HomeWararDowladda Federalka oo loogu baaqay  in la qeexo Maqaamka Gobalka Banaadir, lana...

Dowladda Federalka oo loogu baaqay  in la qeexo Maqaamka Gobalka Banaadir, lana dedejiyo Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Midowga Europe “EU” oo ku taalla caasimadda dalka Belgium ee Brussels ayaa looga hadlay Xaalladda Siyaaso, Nabadgelyo ee Somalia iyo Miro-dhalka Shirkii Tubta Cusub ee Somalia ee bishii September sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda Brussels, kaasi oo lagu gorfeeyey Jadwalka Shaqo ee Dib-u-dhiska Somalia, wax War-saxaafadeedka waxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Midowga Europe “EU” oo ku taalla caasimadda dalka Belgium ee Brussels ayaa looga hadlay Xaalladda Siyaaso, Nabadgelyo ee Somalia iyo Miro-dhalka Shirkii Tubta Cusub ee Somalia ee bishii September sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda Brussels, kaasi oo lagu gorfeeyey Jadwalka Shaqo ee Dib-u-dhiska Somalia, wax

War-saxaafadeedka waxay Ururka  Midowga Europe mar kale ku xaqiijinayaan inay taageersan yihiin Horumarinta iyo Deganaanshaha Somalia.

- Advertisement -

Midowga Europe waxay kaloo sheegeen inay si dhow ugala shaqeyn doonaan Dowladda Somalia, QM,Midoqga Afrika, IGAD iyo Jilayaasha kale ee muhiimka ah natiijadda ka soo baxda Shirka 4-aad ee Heerka Wasiir ee Iskaashiga Arrimaha Somalia (the forthcoming Ministerial High Level Partnership Forum (HLPF), kaasi oo dabayaaqadda bishan ka furmi doona magaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga, kaasi oo lagu qiimeyn doono Tallaabadda xigta  ee Iskaashiga Arrimaha

Shirka Istanbuul waxaa diirada lagu saari doonaan sidii loo soo gunaanadi lahaa Dadaalka Siyaasadeed, Ammaanka Somalia, Soo-celinta Maamulka Dowladeed iyo Adeegyadda Bulshadda ee Degmooyinkii lagala wareegay Alshabaab.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Ururka Midowga Europe waxaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan Nidaamka Maamul-gobaleedyadda, waxayna ku baaqeen in la dedejiyo dhamaystirka Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo in la qeexo Maqaamka Gobalka Banaadir.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Midowga Europe waxay hoosta ka xariiqeen si loo hubiyo xushmadda Waqtiga Kama Dambeynta, waa inay Dowladda Federalka ku soo bandhigtaa Shirka Istanbul qorshaha Fulinta ee soo socota, iyadoo aan la oggolaan doonin xilli-kordhinta Barlamaanka ee dhaafsiisan xilliga loo idmaday.

Xigasho:- EU

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts