HomeWararCiiddanka Kenya oo sheegay inay Mahad Karatey ku dileen Xeradda Nadaris ee...

Ciiddanka Kenya oo sheegay inay Mahad Karatey ku dileen Xeradda Nadaris ee Gobalka J/dhexe.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixisay duqeyn diyaaradeed oo ay sheegeen inay ku dileen Madaxii Sirdoonka Alshabaab, Mahad Karatey iyo Saraakiil kale. Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Star waxay Taliska Milliteriga Kenya sheegeen in ay Mahad Karatey ku dileen duqeyn maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ka dhacday Xeradda Tababarka Alshabaab […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixisay duqeyn diyaaradeed oo ay sheegeen inay ku dileen Madaxii Sirdoonka Alshabaab, Mahad Karatey iyo Saraakiil kale.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Star waxay Taliska Milliteriga Kenya sheegeen in ay Mahad Karatey ku dileen duqeyn maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ka dhacday Xeradda Tababarka Alshabaab ee Nadaris oo ku taalla inta u dhexeysa Degmooyinka Bu’aale iyo Saakow ee Gobalka J/dhexe.

- Advertisement -

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya waxaa lagu xusay in Mahad Karatey lagu dilay, xilli uu ku soo jeday Xeradaasi oo uu Tababar ugu soo xiri lahaa 80 dagaalyahan oo ka tirsan Waaxda Amniyaadka Alshabaab, kuwaasi oo dhamaystay Tababar, waa sida uu Wargeyska The Star qoray.

“Waxaa la xaqiijiyey in 42 ka mid ah Alshabaabka tababarka loo soo xiray lagu dilay inta u dhexeysay Saakow iyo Bu’aale, halka kuwo bandanna dhaawacmeen” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya.

Waxaana intaasi lagu daray inay Milliteriga Kenya rumeysan yihiin inuu Mahad Karatey door muhiim ah ka qaatay Weerarkii bishii hore ee Janaayo 15-dii lagu qaaday Xeradda Ceel-cadde oo lagu dilay Askar badan oo Kenyan ah.

- Advertisement -

Alshabaab waxay sheegeen inay Weerarkii Ceel-cadde ku dileen 100 ka tirsanaa Askarta Kenya, halka kuwa kalena ay nolol ku qabteen.

Weerarkii Ceel-cadde ayaa waxaa Askarta Kenya ka soo gaaray khasaarihii ugu xumaa ee ay la kulmeen tan iyo markii ay Somalia soo galeen bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Xigasho: The Star

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts