HomeWarar(LA-YAABKA & SAWIRO): Bahalo macluul darteeda iyaga is-cunayo.

(LA-YAABKA & SAWIRO): Bahalo macluul darteeda iyaga is-cunayo.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Xarun lagu hayo Duur-joogta (Zoo) oo ku taalla magaalladda Tacis ee dalka Yemen waxaa saamayn xooggan ku yeeshay dagaalladda iyo duqeymaha weli ka socda dalkaasi. Libaaxo, Harama-cadyo iyo Bahallo kale ayaa qarka u saaran inay macluul darteeda u geeriyoodeen, waxayna bilaabeen inuu midba midka uu ka itaal roonaado inuu cuno, si uu u sii noolaado. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xarun lagu hayo Duur-joogta (Zoo) oo ku taalla magaalladda Tacis ee dalka Yemen waxaa saamayn xooggan ku yeeshay dagaalladda iyo duqeymaha weli ka socda dalkaasi.

Libaaxo, Harama-cadyo iyo Bahallo kale ayaa qarka u saaran inay macluul darteeda u geeriyoodeen, waxayna bilaabeen inuu midba midka uu ka itaal roonaado inuu cuno, si uu u sii noolaado.

- Advertisement -

Xarunta  lagu hayo Duur-joogta “Tacis Zoo” ee ku taalla Koonfurta Yemen waxaa ka taagan Xiisad, iyadoo aysan Bahalladu haysanin biyo, cunto iyo daryeel Caafimaad.

Ku-dhawaad 280 Bahal ayey hoy u tahay Xeradaasi, waxaana haatan ka socda Gurmad khatartiisa leh oo lagu quudinayo Xayawaankaasi Dad-cunka ah.

Kooxo Mutawaciin oo lagu kala magacaabo SOS Zoo iyo Bear Rescue ayaa sheegay inay bahalada ay degdeg Dhibanayaal ugu noqdeen Dagaalka Aadanaha ee ka socdo dalkaasi.

- Advertisement -

Kooxahaasi waxay sheegeen inay dhibaato ka haysato Kharajka Maalgelinta si loo daryeelo Bahaladda ku macluulsan halkaasi.

Waxay sheegeen in halkii Haramacad maalin u baahan yahay inuu quuto 2 kiilo ilaa 4 kiilo hilib ah, iyadoo halkii libaax uu maalintii u baahan yahay in la siiyo 4kiilo ilaa 5 kiilo.

Sidoo kale, dhamaan Xayawaabadaasi waxay  u baahan yihiin guud ahaa 5,000 oo litir oo biyo ah.

Kooaxahaasi daryeela Bahalada waxay Baraha Bulshada soo dhigeen Sawiro muujinaya macluusha haysata bahaladaasi iyo sida ay isku cunayaan.

Dhinaca kale, Kooxda waxay sheegayaan inay xanaaneeyaan Waraabe, Masas, Yaxaas, Daayeer Duureed, Haada sida Gumeys Gorgor iyo kuwo kale.

Waxay kaloo sheegeen inay ku talamayaan inay Duur-joogto u duuliyaan dalal kale, balse aysan suurto-gal ah Duullimaadyadda Diyaaraddaha dagaalladda ka socda Yemen awgeeda.

XAYAWAANO MACLUULSAN, ISNA CUNAYO. 2 XAYAWAANO MACLUULSAN, ISNA CUNAYO XAYAWAANO MACLUULSAN, ISNA CUNAYO. 4 XAYAWAANO MACLUULSAN, ISNA CUNAYO. 3

Waxaa Turjumay: Axmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts