HomeWararArday Somali-Danish xiriir la sameeyey xubno ku biiray Kooxda Daacish oo lagu...

Arday Somali-Danish xiriir la sameeyey xubno ku biiray Kooxda Daacish oo lagu maxkamadaynayo London.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London waxaa mar kale la soo taagay Arday Somali lagu magacaabo Abdullahi Ahmed Jamac Farah oo 20-jir, kaasi oo lagu helay inuu samaystay Bar Isgaarsiin oo uu kula xiriiri jirey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish. Eedeysanaha Abdullahi Ahmed Jamac Farah oo ah Arday Somali- Danish wax ku barta dalka Britain […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London waxaa mar kale la soo taagay Arday Somali lagu magacaabo Abdullahi Ahmed Jamac Farah oo 20-jir, kaasi oo lagu helay inuu samaystay Bar Isgaarsiin oo uu kula xiriiri jirey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish.

Eedeysanaha Abdullahi Ahmed Jamac Farah oo ah Arday Somali- Danish wax ku barta dalka Britain waxa uu Maxkamadda ka hor caddeeyey inuu labo jeer dadkaasi kula xiriiray Aaladaha Isgaarsiinta Bulshadda ee WhatsApp iyo Twitterka.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo ay Boliska Britain xireen bishii Maarso 11-dii ee sannadkii 2014-kii ayaa la sheegay in lagu helay Dembi, kadib, markii la soo taagay Maxkamadda, waxaana haatan la soo weriyey inuu xiriir la lahaa Labo gabdhood oo Mataane ah oo lagu kala magacaabo Salma Ibrahim Halane iyo Sahra Ibrahim Xalane, kuwaasi oo ku biiray Kooxda Daacish.

Eedeysanaha oo ay ilmo adeero yihiin Labada Mataanaha oo 16 jiro ah, kuna noolaa magaalladda Manchester, waxay bishii June ee sannadkii 2014-kii si qarsoodi ah ugu dhoofeen dalka Syria, iyagoo ku biiray Kooxda Daacish.

Sidoo kale, Maxkamadda waxay sheegtay inuu Eedeysanaha Abdullahi Ahmed Jamac Farah xiriir la lahaa Axmed Ibrahim Halane oo isagu bishii September ee sannadkii 2013-kii u soo dhoofay Somalia, lana tuhunsan yahay inuu ku biiray Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

Boliska waxay sheegeen markii ay qabteen Eedeysanaha inuu tilmaamay inuu yaqaano dadkaasi ay Ehelka yihiin, gaar ahaan Ina adeerkiisa Axmed Ibrahim Halane oo madax u ah Kooxdiisa, waa sida ay Boliska sheegeen.

Axmed Ibrahim Halane oo la dhashay Mataanayasha Zahra iyo Salma, waxa uu haatan ku nool yahay Casaimadda dalka Denmark ee Copenhagen, iyadoo laga mamnuucay inuu ku soo laabto dalka Britain.

Dhinaca kale, Eedeysanaha Abdullahi Ahmed Jamac Farah waxa uu Maxkamadda ka hor caddeeyey inuu labo jeer dadkaasi kula xiriiray Aaladaha Isgaarsiinta Bulshadda ee WhatsApp iyo Twitterka, waxaana wada sheekeysigooda laga helay Kombiyuutarkiisa.

Abdullahi-Ahmed-Jama-Farah00

Abdullahi Ahmed Jamac Farah

AHMED HALANE1

Ahmed Ibrahim Halane

AHMED HALANE2

ABDULLAHI AHMED JAMA FARAH 001Abdullahi Ahmed Jamac Farah iyo Sahra iyo Salma

 

©Radio Dalsan 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts