HomeWararTahriibka Dhallinyaradda Soomaalida oo la shaaciyey inay u sabab yihiin Amni-xumida iyo...

Tahriibka Dhallinyaradda Soomaalida oo la shaaciyey inay u sabab yihiin Amni-xumida iyo shaqo la’aanta ka jirta Somalia.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Heerka Waxbarashadda Hooseeysa iyo Ammaan-xumida ka jirta Somalia waxay sii hurinayaan Shaqo La’aanta Dhallinyarradda iyo inay Tahriibaan. Daraasaad cusub oo ay Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IMO ka soo saartay magaalladda Nairobi ayey ku sheegtay in waxa asaaska u ah Tahriibka inay tahay shaqo la’aanta, Amni-xumida iyo Waxbarashadda liidata ee ka jirta gudaha dalka Somalia. Cilmi-baaristaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Heerka Waxbarashadda Hooseeysa iyo Ammaan-xumida ka jirta Somalia waxay sii hurinayaan Shaqo La’aanta Dhallinyarradda iyo inay Tahriibaan.

Daraasaad cusub oo ay Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IMO ka soo saartay magaalladda Nairobi ayey ku sheegtay in waxa asaaska u ah Tahriibka inay tahay shaqo la’aanta, Amni-xumida iyo Waxbarashadda liidata ee ka jirta gudaha dalka Somalia.

- Advertisement -

Cilmi-baaristaasi oo ay maalgelisay Dowladda Jarmalka, waxaawaxaa loogu kuurgalay Xalladda Dhallinyaradda  shaqao la’aanta haysato ee ku nool magaallooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Daraasaadda oo ay fulisay Hay’adda La-talinta ee Alait Counsulting waxaa lagu ogaaday in Dhallinyaradda ku nool Baydhabo ay 24% yihiin kuwo aan shaqaynin.

Sidoo kale, Daraasadda waxaa lagu xusay inay magaalladda Kismaayo 13% dhallinyaradu yihiin kuwo aan shaqo haysanin, sidoo kale, magaalladda Muqdisho waxaa la sheegay inay 6% dhallinyarradu yihiin kuwo aan wax shaqo ah haysanin.

- Advertisement -

Daraasadda loo fuliyey Hay’adda IOM, waxaa lagu xusay in ku-dhawaad 38% dhallinyaradda aan shaqaynin yihiin kuwo aan Wax baranin, kuwaasi oo dhibaato kala kulma Suqua Shaqada.

Dhinaca kale, Safiirka Dowladda Japan u fadhiya Somalia,  Yuki Yoshida waxa uu hoos ka xariiqay  baahida loo qabo sida ay Hay’addaha Horumarinta u isticmaalaan Cilmi-baarista, wuxuuna ugu baaqay inay Shaqaalaha Samafalka Deeq-bixiyayaasha iyo kuwa Horumarka dejiyaan Qorshe Faragelin oo ay ku beegsanayaan Dhallinyarada ku nool Somalia.

©Radio Dalsan     

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts