HomeWararUhuru Kenyatta oo lagu cadaadinayo inuu shaaciyo tirada Askarta Kenyanka looga dilay...

Uhuru Kenyatta oo lagu cadaadinayo inuu shaaciyo tirada Askarta Kenyanka looga dilay Weerarkii Alshabaab.

Date:

Related stories

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Iyadoo dhowr isbuuc laga joogo Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Xero ku taallay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ayaa waxay Dowladda Kenya weli ka aamusan tahay in la shaaciyo Tirada dhabta ee Ciiddankii kaga geeriyooday Ceel-cadde. Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, Senator Moses Wetang’ula kana tirsan Aqalka Senedka ee Barlamaanka dalkaasi ayaa […]

- Advertisement -

Iyadoo dhowr isbuuc laga joogo Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Xero ku taallay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ayaa waxay Dowladda Kenya weli ka aamusan tahay in la shaaciyo Tirada dhabta ee Ciiddankii kaga geeriyooday Ceel-cadde.

Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, Senator Moses Wetang’ula kana tirsan Aqalka Senedka ee Barlamaanka dalkaasi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay Dowladda shaaciso tirada rasmiga ee Ciiddanka Kenya looga dilay Somalia.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Aqlabiyad yar ku leh Aqalka Senatka Kenya, waxa uu tilmaamay inuu Uhuru Kenyatta mas’uul ka yahay Kiiskaasi, loona gubdiyey Tirada Askarta Kenyanka ee ay Alshabaab ku dileen Somalia.

“Waa wax aad u xanuun badan in Ciiddanka Kenya la dilay, xilli uu Madaxweynuhu u joogay Mombasa Ololahiisa Siyaasadda” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo laga soo doorto Gobalka Bungoma ee Galbeedka Kenya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Qoysaska Askarta loo diray Somalia doonayaan in lala wadaago Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Alshabaab ee ay bishii hore ee Janaayo 15-dii ku dileen, kuna dhaawaceen Ciiddankii Kenya ee joogay Xeradda Ceel-cadde.

- Advertisement -

“Dowladda ha oggolaato inay na siiyaan Tirada Askarta ee la dilay” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, oo intaasi ku daray in 5 ka mid ah Askarta la dilayka soo jeedaan Gobalka Bungoma.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, Senator Moses Wetang’ula waxa uu  tilmaamay in  tirada kale ee Askarta lagu dilay Weerarkaasi ka soo kala jeedaan Goballadda kale ee  Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab waxay sheegeen inay  100-Askari oo Kenyan ah ku dileen Weerarkii Ceel-cadde, isla markaana ay kuwo kale Maxaabiis ahaan u qabsadeen.

KDF MAYDAD

©Radio Dalsan 

Latest stories