HomeWararDiyaraadaha Kenya oo xalay duqeeyey Deegaanka Beer-xaano ee Gobalka J/hoose.

Diyaraadaha Kenya oo xalay duqeeyey Deegaanka Beer-xaano ee Gobalka J/hoose.

Date:

Related stories

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ayaa la sheegay inay dhowr jeer saqdii dhexe ee xalay duqeeyeen Deegaanka Beer-xaano oo 65 KM u jirta magaalladda Kismaayo. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay Diyaaradahaasi duqeeyeen dhulka Kaymaha ee Deegaanka Beer-xaano, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab. Mid ka mid ah dadka ku nool Deegaankaasi ayaa inoo sheegay […]

- Advertisement -

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ayaa la sheegay inay dhowr jeer saqdii dhexe ee xalay duqeeyeen Deegaanka Beer-xaano oo 65 KM u jirta magaalladda Kismaayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay Diyaaradahaasi duqeeyeen dhulka Kaymaha ee Deegaanka Beer-xaano, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.

- Advertisement -

Mid ka mid ah dadka ku nool Deegaankaasi ayaa inoo sheegay inay gelinkii dambe ee xalay maqlayey guuxa Diyaaradaha iyo Qaraxyo badan oo iftiimayey.

Waxa uu tilmaamay inay Diyaaradaha dhowr jeer duqeeyeen qeybo ka tirsan Hawdka Deegaanka Beerxaano.

Duqeyntan ayaa timid, kadib, markii ay Ciiddanka Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay horey ugu guuldaraysteen isku-day ay ku doonayeen inay Alshabaab kala wareegaan Deegaankaasi oo ku yaalla goob Istaraatijiyad leh.

- Advertisement -

Xaalladda Deegaanka Beerxaano ayaa saakayto deggan, inkastoo ay dadka weli ka baqdin qabaan inay Diyaaradaha mar kale soo weeraraan Deegaankaasi.

 

Latest stories