HomeWararKhubaro Shisheeye iyo Rakaab kale oo weli Diyaarad la’aan ugu xayiran Muqdisho.

Khubaro Shisheeye iyo Rakaab kale oo weli Diyaarad la’aan ugu xayiran Muqdisho.

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Labo Muwaadin oo u dhalatay dalka Kazakhastan ayaa Diyaarad la’aan ugu xayiran magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday diyaaraddii Daallo Airlines ee uu qaraxu ka dhex dhacay bishan 2-dii.

Muwaadiintaasi oo lagu kala magacaabo Sergey Severin iyo Nikolay Bochkarev waxay u yimaadeen magaalladda  Muqdisho si ay u cillad bixiyaan Helikoptaro ay QM leedahay.

Labadaasi Khabiir oo ka tirsan Shirkad dayactirta Diyaaradaha oo ku taalla caasimaddii hore ee dalka Kazakastan ee  Almaty city oo haatan ah magaalladda Ganacsi ee ugu ballaaran dalka Kazakhastan ayaa waxay qalabka Dayactirka Helikoptarada u keeneen Xafiiska QM ee magaalladda Muqdisho.

KAZAKHSTANAfhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jambuuriyadda Kazakhastan, Anuar  Zhainakov ayaa  sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay Labadaasi Khabiir si nabad ah ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Labadaasi Muwaadin aad u nabad qabaan, isla markaana ay ku sugan yihiin Dhismaha QM ee ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa weli magaalladda Muqdisho ku xayiran Rakaabkii la socday Diyaaradii Daallo Airlines, kuwaasi oo ka badbaaday qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradaasi oo Duulimaadka Nambarkeedu ahaa Fligh Number D3159.

Duuliyihii Diyaaradda ayaa ku guuleystay inuu si degdeg ah Diyaaradda u soo fariisiyo Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Duuliyaha oo u dhashay dalka Serbiya waxa uu tilmaamay inuu qarax ahaa wixii ka dhex dhacay Diyaaradaasi, waxaana socda Baaritaano, iyadoo ay Hay’addaha Ammanka soo xireen dad lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

©Radio Dalsan       

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories