HomeWararJEEM CUP " Da`yarta Emirates oo Barbardhac ka helay Soomaaliya

JEEM CUP ” Da`yarta Emirates oo Barbardhac ka helay Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

DOHA:  Da`yarta Ciyaartoyda Iskuulka Muqdisho  ee ku guuleystay tartankii Jeem Cup ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo 05 December 2015 lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Muqdisho Tartankaasina ay ku guuleysteen Iskuulka Muqdisho oo iminkana matelaya Soomaaliya qeybna ka ah Ciyaaryahanada  uga qeybgalaya Tartanka Jeem Cup ee  11 jirada oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Ciyaar  aad u kulul ayay Da`yarta  ciyaaryahanada Soomaaliyeed  kaga hor yimaadeen  Emirates, iyadoo daqiiqadii 2`aad ay suragashay in gool qurux oo dhexda laga soo laaday uu shabaqa ku hubsado ciyaaryahanka Kabtanka ah Cusmaan Salaad Cabdi  kaas oo ay la noqon waysay goolhayaha Emirates awoodda ay kubadda ku soo dhaaftay isla markaana deg dega  shabaqiisa u cuskatay.

Fursado  badan oo ay Da`yarta Soomaaliya  iska lumisay ka dib waxaa Ciyaaryahanada Emirates u suragashay daqiiqadii 11`aad inay barbardhac la yimaadeen, iyadoo ciyaartaasi guud ahaan ay ku soo idlaatay 1-1.

“Ciyaaryahanadeena waxay soo bandhigeen ciyaar aan aad ugu qanacsanahay, waxaa Leylinayay Macalimiin khibrad leh sida Cusmaan Maye Abukar halyeey kooxdii Horseed iyo ku xigeenkiisa Cusmaan Cabdi Cusmaan, kulanka xigga ee aan la yeelaneyno Sacuudiga waxaan rajeynaynaa inaan guul ka soo hooyno Iinsha Allaah” ayuu  website-kan u sheegay Maxamed Cusmaan Naastaro  oo dhinaca Maamulka mas`uul uga ah Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa Tartankan.

Si kastaba Tartankan ayaa furmay 07 Febraayo 2016 waxaa ka soo qeybgalay 17 Iskuul oo ka kala socda wadamada Carabta, waxaana  Soomaaliya (Mogadishu School) Group-ka  C  kuwada jiraan Imaaraadka, Sacuudiya iyo Qadar.

Soomaaliya ayaa  ciyaarta labaad  ee Jeem Cup la ciyaaraya dhiggooda  dalka Sacuudiga  Maalinta Khamiista oo ku beegan 11/02/2016.

-01-Somalia_JeemCup 02-Somalia_JeemCup 03-Somalia_JeemCup 2016 04Somalia_JeemCup 05 Somalia_JeemCup 6-Somalia_JeemCup 07-Somalia_JeemCup 8-Mohamed Naastaro 10-10malia_JeemCup 14Somalia_JeemCup 11-Somalia_JeemCup 13-Somalia_JeemCup

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories