HomeWararXukuumada Soomaaliya oo shaacisay dadkii wax ku noqday Shilkii Diyaaradda Daallo

Xukuumada Soomaaliya oo shaacisay dadkii wax ku noqday Shilkii Diyaaradda Daallo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo kamid tahay shilkii Diyaaradii Daallo ee ka duushay Muqdisho kuna siijeeday Jabuuti iyo Ammaanka guud ee dalka. Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn, warbixinta amniga […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo kamid tahay shilkii Diyaaradii Daallo ee ka duushay Muqdisho kuna siijeeday Jabuuti iyo Ammaanka guud ee dalka.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn, warbixinta amniga ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo tilmaamtay in dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey ay daganayd xaaladda guud ee dalka marka laga reebo falal kooban oo kooxaha nabadda diidan ay ka sameeyeen qaar kamid ah gobollada dalka iyo Caasimadda, isagoo xusay in Ciidamadda Ammaanka ay wadaan baaritaano looga hortagayo cid walba oo dhibaato ku ah amniga dalka.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya cali jaamac Jangeli, ayaa golaha siiyey warbixin horudhac ah oo ka soo baxday shilkii Diyaaradda Daallo. Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan horudhac dhac ah oo la sameyey uu muujinayo tuhumo cadeyn dheeraad ah u baahan oo aan looga maarmayn in lala kaashado khubaro caalami si loo xaqiijiyo wixii sababay shilkaasi diyaaradeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa tilmaamay in sida ugu deg-degsan looga sal-gaari doono natiijada baaritaankan, isagoo balanqaaday in dawladdu adkeyn doonto amniga Garoonka si looga hortago khatar walba oo imaan karta. Wuxuna xusay baaritaan la sameeyey ka dib in Muwaadinka lagu magacaabo C/laahi Cabdisalam Boorle oo ku dhintay shilkaas diyaaradeed, isla markaana ay ku dhaawacmeen labo muwaadin oo kale.

——DHAMMAAD—–

- Advertisement -

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Latest stories