HomeWarar(LA-YAABKA IYO SAWIRO): Haramacad figta sare ee Geedka la koray Baciid si...

(LA-YAABKA IYO SAWIRO): Haramacad figta sare ee Geedka la koray Baciid si ay u feentaan.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Labada Haramacad (Lammaanayaal ah) ayaa waxay Xayawaanaadka kale kala fogaadeen si aysan ugu soo xoomin Baciid ay soo qabteen, haddii ay ku feentaan dhulka.

Waxay go’aansadeen inay Baciidka saartaan Figta Sare ee Geedka, si ay qeyb u cunaan, barka kalena kayd uga dhigtaan.

Xitaa qaabka ay Baciidka uga soo lalmanayo Geedka, waxaad moodaa inay si xeelladaysan ugu dabreen laamaha Geedka, si uusan Baciidka ugu hoobanin dhulka.

Malaha Haramacadka, waxay ka baqdeen inay Habar-dugaagta gaajaysan ku ciriiriyaan ama la qeybsadaan Hilibka Baciidka.

Sawir-qaade u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Ingo Gerlach ayaa sawiraddan soo qaaday mar uu dhawaan booqday Dhulka lagu xannaaneeyo Duur-joogta ee Massai Mara ee dalka Kenya.

Sawir-qaadaha waxa uu sheegay inay muddo 6 saacadood ku qaadatay si uu u dhamaystiro qaadista Sawiraddan quruxda badan.

HMC 1 HMC 4 HMC5 HMC3 HMC2

FG: Maadaama aanan si fiican u aqoonin Magac-bixinta Duur-joogta, oo aanan ku soo korin Baadiyo iyo meel ay joogaan Xayawaanka Muftariska ah ayaa waxay qaar ka mid ah Asxaabtayda oo Aqoon u leh Nolosha Duur-joogta ii sheegeen inuusan Baciid ahayn ee uu Goodir yahay.

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories