HomeWarar(SAWIR): Nin Somali oo haween Ethiopian tahriibanayey oo lagu qabtay gudaha Sacuudiga.

(SAWIR): Nin Somali oo haween Ethiopian tahriibanayey oo lagu qabtay gudaha Sacuudiga.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Saudi Gazette ee ka soo baxa magaalladda Riyad, waxay Boliska gacanta ku dhigeen Nin Somali ah oo gaarigiisa ku tahriibinayey  4 Haween oo Ethiopian ah iyo ilmo yar. Saraakiil ka tirsan Boliska Degmadda Bishah ee Gobalka Aser ee K/galbeed ee Sacuudiga ayaa la sheegay inay gaariga lagu waday haweenkaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Saudi Gazette ee ka soo baxa magaalladda Riyad, waxay Boliska gacanta ku dhigeen Nin Somali ah oo gaarigiisa ku tahriibinayey  4 Haween oo Ethiopian ah iyo ilmo yar.

Saraakiil ka tirsan Boliska Degmadda Bishah ee Gobalka Aser ee K/galbeed ee Sacuudiga ayaa la sheegay inay gaariga lagu waday haweenkaasi ku joojiyeen Jidka iska xira Degmadda Bisha iyo Degmadda Khamiis Mushayt, kana heleen Afarta haween iyo ilmaha yar.

- Advertisement -

Wargeyska Saudi Gazette oo daabacay Dhacdadaasi ayaa  qoray in Ninka Soomaaliga ee Dareewalka ahaa uu Boliska tusiyey Aqoonsiga Qoyskiisa, una sheegay in dadka la saaran gaariga yihiin Familkiisa.

Saraakiisha waxay sheegeen inay baaritaan kadib ogaadeen inuu Ninka Soomaaliga ku hawlanaa inuu Haweenka Ethiopianka  iyo Cunuga yar u sii  tahriibiyo Gobal kale oo ka tirsan Sacuudiga.

Dhinaca kale, Boliska waxay Ninka Soomaaliga iyo dadkii Ethiopianka ee uu tahriibinayey u gudbiyeen Maamulka Sare ee Waaxda Socdaalka ee Jawaasaadka.

- Advertisement -

DAAWO SAWIRKOODA:

ksa

Xigasho: Saudi Gazette

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts