HomeWarar(SAWIR): Nin Somali oo haween Ethiopian tahriibanayey oo lagu qabtay gudaha Sacuudiga.

(SAWIR): Nin Somali oo haween Ethiopian tahriibanayey oo lagu qabtay gudaha Sacuudiga.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Saudi Gazette ee ka soo baxa magaalladda Riyad, waxay Boliska gacanta ku dhigeen Nin Somali ah oo gaarigiisa ku tahriibinayey  4 Haween oo Ethiopian ah iyo ilmo yar. Saraakiil ka tirsan Boliska Degmadda Bishah ee Gobalka Aser ee K/galbeed ee Sacuudiga ayaa la sheegay inay gaariga lagu waday haweenkaasi […]

- Advertisement -

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Saudi Gazette ee ka soo baxa magaalladda Riyad, waxay Boliska gacanta ku dhigeen Nin Somali ah oo gaarigiisa ku tahriibinayey  4 Haween oo Ethiopian ah iyo ilmo yar.

Saraakiil ka tirsan Boliska Degmadda Bishah ee Gobalka Aser ee K/galbeed ee Sacuudiga ayaa la sheegay inay gaariga lagu waday haweenkaasi ku joojiyeen Jidka iska xira Degmadda Bisha iyo Degmadda Khamiis Mushayt, kana heleen Afarta haween iyo ilmaha yar.

- Advertisement -

Wargeyska Saudi Gazette oo daabacay Dhacdadaasi ayaa  qoray in Ninka Soomaaliga ee Dareewalka ahaa uu Boliska tusiyey Aqoonsiga Qoyskiisa, una sheegay in dadka la saaran gaariga yihiin Familkiisa.

Saraakiisha waxay sheegeen inay baaritaan kadib ogaadeen inuu Ninka Soomaaliga ku hawlanaa inuu Haweenka Ethiopianka  iyo Cunuga yar u sii  tahriibiyo Gobal kale oo ka tirsan Sacuudiga.

Dhinaca kale, Boliska waxay Ninka Soomaaliga iyo dadkii Ethiopianka ee uu tahriibinayey u gudbiyeen Maamulka Sare ee Waaxda Socdaalka ee Jawaasaadka.

- Advertisement -

DAAWO SAWIRKOODA:

ksa

Xigasho: Saudi Gazette

©Radio Dalsan

Latest stories