HomeWararJubbaland oo soo dhaweysay Nidaamka Doorashadda iyo Puntland oo ka didsan.

Jubbaland oo soo dhaweysay Nidaamka Doorashadda iyo Puntland oo ka didsan.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Iyadoo ay Dowladda Federalka  Somalia shaacisay War-murtiyeedka Nidaamka Doorashadda ee sannadkan ayaa waxaa ka biyo diiday Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo fiidnimaddii xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia. Madaxweyne Gaas waxa uu tilmaamay inaysan oggolayn War-murtiyeeda Dowladda Federalka soo saartay ee loo gudbiyey, isla markaana ay Beesha Caalamka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Dowladda Federalka  Somalia shaacisay War-murtiyeedka Nidaamka Doorashadda ee sannadkan ayaa waxaa ka biyo diiday Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo fiidnimaddii xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

MADAXWEYNE GAASMadaxweyne Gaas waxa uu tilmaamay inaysan oggolayn War-murtiyeeda Dowladda Federalka soo saartay ee loo gudbiyey, isla markaana ay Beesha Caalamka soo dhaweeyeen.

- Advertisement -

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inuu Talo kula laaban doono Reer Puntland, si ay go’aan uga gaaraan in Nidaamka Doorashadda lagu saleeyo Hab-qeybsiga Beelaha ee 4.5

Inkastoo Hab-qeybsiga Xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka u qoondeeyeen Puntland iyo Somaliland min 3 xubnood oo dheeraad ah ayaa waxa uu Madaxweyne Gaas muujiyey inaysan u cuntamin War-murtiyeeda laga soo saaray Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016-ka.

Sidoo kale, War Saxaafadeed ka soo baxay Guddoonka Sare ee Barlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin Go’aanka uu Madaxweyne Gaas ee uu ku diiday in Nidaamka Doorashadda lagu saleeyo Nidaamka 4.5

- Advertisement -

Dhinaca kale, Afhayeenka Dowlad-gobaleedka Jubbaland, C/naasir Seeraar ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweynayaan War-murtiyeedka ka soo baxay Dowladda Federalka ee ku aadan Nidaamka Doorashadda, taasi oo ay Beesha Caalamka taageerayaan.

SEERAAR3Afhayeenka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdisho ayaa sheegay inkastoo ay weli  jiraan dad aaminsan Nidaamka Deegaanka, haddana ay Dowladda Jubbaland ku qanacsan yihiin War-murtiyeedka Dowladda Federalka ee ku aadan Nidaamka Doorashadda sannadkan.

©Radio Dalsan       

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts