HomeWararMadaxweynaha oo ka hadlay Dagaalka Alshabaab, Burcad-baddeeda iyo Nidaamka Federalka.

Madaxweynaha oo ka hadlay Dagaalka Alshabaab, Burcad-baddeeda iyo Nidaamka Federalka.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi dhawaan lagu soo daabacay Wargeyska Cukaad ee ka soo baxa caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh. Madaxweynaha oo isagoo ku sugan Muqdisho Khadka Telefoonka kaga jawaabay su’aalaha ayaa waxaa uu Madaxweynaha gaashaanka ku dhuftay inay dadka Soomaalida horey u oggolaadeen in dalka Somalia loo qeybiyo Dowladdo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi dhawaan lagu soo daabacay Wargeyska Cukaad ee ka soo baxa caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Madaxweynaha oo isagoo ku sugan Muqdisho Khadka Telefoonka kaga jawaabay su’aalaha ayaa waxaa uu Madaxweynaha gaashaanka ku dhuftay inay dadka Soomaalida horey u oggolaadeen in dalka Somalia loo qeybiyo Dowladdo Madax-bannaan, lagana gudbo Maamulka Dowladda Dhexe oo keliya.

- Advertisement -

“Maya, Shacabka Soomaaliyeed ma oggolaanin, mana oggolaan doonaan in dalka la kala qeyb-qeybiyo, haddii uusan ahayn mid heshiis lagu yahay oo u adeegaya Nidaamka Federalka” ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray

Waxa uu intaasi ku daray inay jirto Dowlad keliya oo Federal ah oo ay hoos imaanayaan Goballadda kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kaloo wax laga weydiiyey Mustaqbalka Alshabaab, wuxuuna sheegay inay yihiin Koox aan lahayn Aragti Mustaqal, isla markaana ay Dowladda Federalka ku rajo weyn tahay inay uga guuleystaan Ciiddan ahaan iyo Aragti ahaan, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Madaxda Alshabaab rumeysan yihiin waxa uu ugu yeeray Fikir jiran oo aan lahayn Iska caabin muddo dheer ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyey haddii ay Madaxda Alshabaab ku soo oogi doonaan Dembiyo Dagaal, waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in qof kasta oo Dakane ka gala Ummadda Soomaaliyeed lala xisaabtami doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh Wareysiga uu siiyey Wargeyska Cukaad ee ka soo baxa Sacuudiga, waxaa kaloo wax laga weydiiyey sida uu uga jawaabayo Cabsida ay Caalamka ka qabaan Ururradda Daacish iyo Alqaacida ee ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna Madaxweynuhu carrabka ku dhuftay inay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed haatan go’aansadeem inay iska fogeeyaan Khatarahaasi iyo in jid dheer loo marayo sidii looga guuleysan lahaa Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda.

okaz.com.saDhinaca kale, Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyey inay dowladiisa hanatay Deganaanshaha iyo Ammaanka Somalia, wuxuuna sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo soo celin lahaa Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, wuxuuna farta ku goday inay Alshabaab caqabad ku yihiin Himiladaasi oo ay had iyo jeer geystaan weeraro iyo qaraxyo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha 8-aad ee soo mara Taariikhda Hoggaamineed ee Talada Qaranka Somalia, waxaa kaloo wax laga weydiiyey Arrimaha Burcad-baddeeda ee khatarta ku ah Maraakiibta isticmaala Badda Somalia, wuxuuna sheegay inay Hawshaasi tahay mid u taalla Caalamka, isagoo xusay inay jiraan Ciiddamo badan oo La-dagaalanka Burcad-baddeeda oo ku sugan Xeebaha dalka Jabuuti, kuwaasi oo wax ka qabtay Falalka Burcad-baddeedka.

okaz.com.sa

Xigasho: okaz

©Radio Dalsan         

Latest stories