HomeWararRa'isul-wasaaraha oo ka tacsideeyey geeridii Ambasador Abdillahi Siciid Cismaan oo Dalka Mareykanka...

Ra’isul-wasaaraha oo ka tacsideeyey geeridii Ambasador Abdillahi Siciid Cismaan oo Dalka Mareykanka ku Geeriyooday.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Muqdisho, January 28, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Danjire C/laahi Siciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehelladii, asxaabtii iyo guud […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, January 28, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Danjire C/laahi Siciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehelladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum C/laahi Siciid, isagoo Alle uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo isagana qabrigiisa u waasiciyo.

- Advertisement -

Danjire Cabdullaahi Saciid CusmaanRa’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in Danjire C/laahi uu ahaa muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay, isla markaana muddooyin kala duwan xilal ka soo qabtay Soomaaliya, isagoo ALLE uga baryey in Naxariistiisa JANNO uu ka waraabiyo marxuumka,

“Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka Allah ha u Naxariistee Danjire Cabdulaahi Siciid Cismaan oo Soomaaliya ka soo noqday danjirii ugu horreyay ee Xarunta Qaramada Midoobay u fadhiyay Geneva, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ka hor burburkii” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Xilalka uu marxuumku ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa ka mid ahaa:

- Advertisement -

1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay New York 
!976- 1984 : Danjiraha iyo wakiilka Soomaaliya u fadhiya xafiika QM ee Geneva. 
!970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dawladda ((Avvocato Generale dello Stato) 
1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaalada. 
!966- 1968 : Agaasimaha Waaxda Caddaaladda.

–
->—-DHAMMAAD—–<- 

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts