HomeWararGolaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Muqdisho, 28 January 2016…..Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016. Hoos ka Daalaco qodobada Shirka ka soo baxay; […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, 28 January 2016…..Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016.

Hoos ka Daalaco qodobada Shirka ka soo baxay;

- Advertisement -

Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar ka soo baxay madasha wadatashiga qaranka waxaa lagu xusay in barlamaanka la soo dooranayo uu ka koobnaanado Aqalk Hoose iyo Aqalk Sare. Waxaa kaloo baaqaa lagu xusay in metelaadda xubnaha Baarlamaanka ay guud ahaan ku saleysnaan doonto isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.
Muddadii ka danbaysay 16kii diseembar wadahadalo iyo wadaxajood dheeraad ah ayay galeen madaxda dowlada fedaraalka iyo maamul goboleedadu, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 17-27 Janaayo 2016 kana qabsoomay magaaloyinka Kismaay iyo Muqdishibo.

Xumukumada Fedaraalka Somaliyeed iyadoo tixgelinaysa:

  • Mabaadi’da ku xusnaa baaqi muuqdsisho
    • Talooyikii ka soo baxay wadatashiyadii lala yeeshay dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka
    • Himilada iyo hiiigsida dadka somaliyeed oo hamuun u qaba in ay doorashadu ku qabsoonto mudadii loogu talo galay iyo weliba in anu jiri doonin mudo korodhsi loo sameeyo xukumada ama baarlamaanka
    • Kulamadii wadadaxajoodka ahaa e dhexmaray madaxda soomaaliyeed ee heer federal iyo heer maamul goboleed oo suurto gelinwayey in la helo hal habdorasho o wadar ogol ah
    • Wakhtiga kooban ee hadhay, xalaada guud ee amni, iyo tan siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gudbo

Iyadoo ka duulaysa qodobada kor ku xusan waxay xukumada Federaalka ee Soomaaliya soo bandhigtay hanaanka dorasho ee hoos ku xusan, oo ay u aragto inuu yahay habka ugu haboon ee lagu hirgelin karo doorshada 2016ka.

- Advertisement -

Raiisal Wasaaraha xukuumada ayaa taarikhtu marki ay ahayd 27/01/2016 la wadaagay goaanka dowlada madaxda maamul goboleedyada, barlaamaka somaliyeed iyo wakiilada beesha calaamka oo dhamantood soo dhawaayey goaanka dowlada.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:
• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.
• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.
• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Codeynta iyo tirinta doorashooyinku waxay ka dhacayaan caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:
• Aqalka Sare ee Baarlamaanka I waxa la dhisi doona ka hor inta anay dhicin doorashada aqalka hoose e baarlamaanka.
• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.
• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.
• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.
• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad gobolwedyada hada jira iyo kuwa samaysmaya aya soo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
• Hannaankan waxaa la isticmaali doonaa oo kaliya xilliga Doorashooyinka 2016ka.
->—DHAMMAAD—<- 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts