HomeWararDowladda Kenya oo loogu baaqay inay Ciiddankooda kala soo baxaan Somalia.

Dowladda Kenya oo loogu baaqay inay Ciiddankooda kala soo baxaan Somalia.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Dickens Okunda oo ka tirsan Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha oo ka dhisan Degmadda Kismu ee Kenya ayaa sheegay inaan la daawan karin Askarta lagu dilay Somalia, wuxuuna ugu baaqay ku booriyey Dowladda Kenya in Ciiddanka Kenyanka laga soo saaro gudaha Somalia. “Waxaa gacmaha Alshabaab nooga lumay dad badan, codsigooda keliyana waa in Ciiddanka laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dickens Okunda oo ka tirsan Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha oo ka dhisan Degmadda Kismu ee Kenya ayaa sheegay inaan la daawan karin Askarta lagu dilay Somalia, wuxuuna ugu baaqay ku booriyey Dowladda Kenya in Ciiddanka Kenyanka laga soo saaro gudaha Somalia.

“Waxaa gacmaha Alshabaab nooga lumay dad badan, codsigooda keliyana waa in Ciiddanka laga soo saaro halkaasi” ayuu yiri Okunda oo intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Dowladda Kenya ku baraarugto dhacdadii dhawaan lagu dilay Askarta Kenyanka.

- Advertisement -

U-ololeeyaha Xuquuqda Aadanaha, Dickens Okunda waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya samaysay in ku filan Tallaabooyin lagu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, wuxuuna xusay in la gaaray xilligii Ciiddanka lagala soo bixi lahaa Somalia.

Waxa uu ku taliyey in Kharajka lagu bixinayo Askarta Kenya ka joogta Somalia loo wareejiyo in lagu maalgeliyo Adeegyada Dhaqaalaha, si aysan arrinta u sii xumaanin.

Hadalkiisa ayaa waxa ku soo beegmay iyadoo ay Xarakada Alshabaab soo bandhigeen codadka Askar Kenyaan oo lagu qabtay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Saldhig ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Ceel-cadde oo 60-km u jirta magaallo-madaxda Gobalka Gedo ee Garbahaarey.

- Advertisement -

©Radio Dalsan     

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts