HomeWararXukuumadda Federalka oo sheegtay inaysan  isku xirnayn deeqaha Sacuudiga iyo go’aankii lagu...

Xukuumadda Federalka oo sheegtay inaysan  isku xirnayn deeqaha Sacuudiga iyo go’aankii lagu jaray Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee  Iiraan.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Ibraahim Aadam ayaa sheegay in xiriirka Somalia iyo Sacuudiga ahaa mid muddo dheer soo jiray, oo uusan ahayn mid waayadan dambe bilowday.

Wasiirka ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii wax laga weydiiyey Taageeradda ay Dowladda Sacuudiga ku siiyeen Dowladda Somalia lacag dhan 50 Malyan oo Dollar, wuxuuna sheegay Kaalmo kasta oo ay Dowladda Sacuudiga ka helaan inaan lagu dabaqi karin Go’aankii Dowladda Somalia ee ay xiriirka Diplomaasiyadeed ugu jartay Dowladda Iiraan.

Wasiirka waxa uu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo inay Dowladda Sacuudiga kharajkaasi u bixisay si Dowladda Somalia looga abaalmariyo go’aanka lagu jaray Xiriirkii Iiraan, laguna cayriyey Diplomaasiyiintii Iiraan ee ku sugnaa gudaha dalka Somalia.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid, kadib, markii ay Wakaalladda Wararka dalka Britain ee REUTERS daabacday Dukumenti  inay Dowladda Sacuudiga ugu yaboohday Dowladda Somalia lacag dhan 50-million oo Dollar, hal maalin kadib, markii ay Dowladda Somalia ku dhawaaqday inay Xiriirka Diplomaasiyadeed u jareen Dowladda Iiraan.

REUTERS ayaa sheegtay inay arkeen Dukumenti ay Safaaradda Sacuudiga ee magaalladda Nairobi u direen Safaaradda Somalia ee Nairobi, taasi ooDowladda Somalia loogu ballanqaaday in la siinayo 20 million oo Taageero dhinaca Miisaaniyadda ah iyo 30-million oo Dollar oo loogu talagalay Maalgelinta Somalia.

Hay’adda Sacuudiga ugu qaabildan Horumarinta “The Saudi Development Fund” ayaa shaacisay Ballanqaadyadaasi oo soo baxay bishan 7-da, oo ku beegan markii ay Dowladda Somalia xiriirka u jartay Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee Iiraan.

Tallaabadaasi ayaa timid, markii ay Kooxo Iiraaniyiin ah ay dab qabadsiiyeen Safaraadda Sacuudiga ee ku taallay caasimadda dalka Iiraan ee Tehraan iyo Qusuliyada magaalladda Mash-had.

Dibadbaxayaasha Reer Iiraan ayaa ka caraysnaa go’aankii ay Sacuudiga ku dileen Shiikh Nimir Baaqir Alnimri, kaasi oo lala dilay 46 qof oo ku eedeysnaa Falal Argagixiso.

Xigasho: REUTERS & ALMANAR 

©Radio Dalsan     

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories