HomeWararTahriibayaal Somali ah oo la badbaadiyey, kuwo la la’ yahay iyo mid...

Tahriibayaal Somali ah oo la badbaadiyey, kuwo la la’ yahay iyo mid geeriyootay.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Tahriibayaal Soomaali oo Badda lagu tuuray ayey Ciiddanka Badda Talyaaniga badbaadiyeen. Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in Haweeney Soomaali ah laga helay Xeebta magaalladda Puglia ee Koonfurta dalka Talyaaniga, taasi oo geeriyootay wax yar kadib, markii gurmad ahaan loo geeyey Isbitaalka. Haweeneydaasi waxay ka mid ahayd ugu yaraan 40 Tahriibayaal Somali oo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tahriibayaal Soomaali oo Badda lagu tuuray ayey Ciiddanka Badda Talyaaniga badbaadiyeen.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in Haweeney Soomaali ah laga helay Xeebta magaalladda Puglia ee Koonfurta dalka Talyaaniga, taasi oo geeriyootay wax yar kadib, markii gurmad ahaan loo geeyey Isbitaalka.

Haweeneydaasi waxay ka mid ahayd ugu yaraan 40 Tahriibayaal Somali oo ay ku jireen carruur oo ay Kooxaha Mukhalasiiin ah ay ka ka soo tuureen dooni ka soo shiraacatay Libya, xilli ay doonidu maraysay Badda Talyaaniga.

- Advertisement -

Telefishinka Dowladda Talyaaniga ee RAI ayaa sheegay in 35 Tahriibayaal Soomaali ah laga soo badbaadiyey saddex meel  oo ka tirsan Xeebta magaalladda Puglia.

Telefishinka waxa kale oo uu sheegay in la la la’ yahay 3 ilaa 4 haween ka mid ahaa dadkii lagu soo tuuray Badda.

Wargeyska The Republica ayaa qoray inay Baarayaasha dhegeysanayaan Dadkii ka badbaaday Shilkaasi, si ay u helaan Xog horseedi karta in la aqoonsaado Mukhalasiintaasi Arxan-laawayaasha ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hay’adda Muhaajiriinta Calaamiga ee IOM ayaa sheegtay in tiradda ugu dambeysay ee Tahriibayaasha ku geeriyootay Badda  Mediterranean ilaa sannadkii hore ay gaarayaan 3,771 qof.

©Radio Dalsan        

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts