HomeWararMuwaadin Maraykan ka barbar dagaalamay Alshabaab oo lagu soo oogay inuu taageeray...

Muwaadin Maraykan ka barbar dagaalamay Alshabaab oo lagu soo oogay inuu taageeray Alshabaab.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Ninkaasi oo lagu magacaabo Maalik Caalim Jones ayaa lagu soo oogay inuu u socdaalay Somalia, isla markaana uu Tababar Milliteri la soo qaatay Xarakadda Alshabaab ee Isbahaysiga la ah Ururka Alqaacida.

Maalik Caalim Jones oo horey u deganaa magaalladda Baltimore ee Gobalka Maryland ee dalka Maraykanka waxa uu Somalia u soo ambabaxay saannadkii 2011-kii, isla markaana uu noqday xubin ka tirsan Unug Khibrad leh oo u dagaalama Alshabaab.

Sarkaalad ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI-da oo lagu magacaabo Mary Boese ayaa ku soo oogtay Maalik Caalim Jones dacwad ka kooban 15 bog, waxayna soo bandhigtay Labo Muuqaal Video oo laga arkay iyadoo uu Eedeysanaha uu qaadayo Dagalayahan ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay iska horimaad ay bishii June ee sannadkii hore la galeen Ciiddanka Kenya, iyadoo dagaalkaasi Ciiddanka Kenya looga dilay 2 Askari.

Maalik Caalim Jones oo 31-jir ah ayaa lagu soo oogay 5 Fal-dembiyeed oo ay ku jiraan inuu qalab ku taageeray Alshabaab, inuu soo qaatay Tababar Milliteri, inuu bartay qaabka loogu daagalamo Qoryaha AK 47 iyo Gantaalladda Garabka laga rido.

Eedeysanaha ayaa muteysan karaa Xabsi Daa’im, haddii lagu helo Dacwadaha lagu soo oogay.

Eedeysanaha waxa uu hataan ku sugan yahay gudaha dalka Maraykanka, iyadoo bishii hore ee December 19-dii ka soo hor-muuqday Maxkamad Federal, balse haatan ayaa la shaaciyey dacwadaha lagu soo oogay.

Dhinaca kale, Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia waxay Maalik Caalim Jones bishii December 7-dii ee sannadkii hore  ku qabteen magaalladda Baraawe, xilli uu qorsheynayey inuu raaco Dooni geyn lahayd xeebaha dalka Yemen.

©Radio Dalsan        

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories