HomeWararNaakhuude lagu eedeeyey inuu Tahriibayaal nool Badda ku tuuray oo dil lagu...

Naakhuude lagu eedeeyey inuu Tahriibayaal nool Badda ku tuuray oo dil lagu xukumay.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Maxkamadda Gobalka Sanaag ayaa shalay la soo taagay Eedeysanayaal lala xiriirinayo inay ku tacadiyeen Tahriibayaal la socotay dooni dhawaan ku cilladowday Xeebaha Gobalka Sanaag, kuna sii jeeday Xeebaha Yemen.

Naakhuudihii Doonidaasi oo lagu magacaabo Axmed Cumar C/raxiim “Canjeex” ayaa lagu xukumay Dil Toogasho ah, kadib, markii lagu helay inuu dad nool uu ka tuuray Doonida oo ay la socdeen Tahriibayaal Somali iyo kuwa Ethiopian ah.

Maxkamadda waxay kaloo xabsi hal sanno iyo ganaax dhan 15-millionka ee Lacagta SL ku xukuntay Maxamed Bashiir Maxamed, kaasi oo lagu helay inuu garaacid arxan-darro ah u geystay Tahriibayaasha, gaar ahaan kuwa iyagoo nool lagu tuuray Badda.

Maxkamadda Gobalka Sanaag, waxay kaloo Xabsi 1-sanno iyo ganaax 15 million oo SL ku xukuntay Maxamed Yaasiin Cali oo lagu eedeeyey Tahriibinta dadka laga soo buuxiyey doonidaasi ka soo shiracaatay Xeebaha magaalladda Bosaaso.

Bishan 8-dii ayey ahayd, markii ay Ilaaladda Somaliland gacanta ku dhigeen dooni ay la socdeen  72 Tahriibayaal nool, oo ay cillad ku qabsatay Xeebaha Sanaag.

Ilaaladdu waxay sheegeen inay doonida ka dhex heleen 10-mayd ah iyo dad aad u macluulsanaa, kuwaasi oo haatan lagu baxnaaninayo Isbitaal ku yaalla magaallo-madaxda Gobalka Sanaag ee Ceerigaabo.

©Radio Dalsan        

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories