HomeWararXiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya oo sheegay inay Alshabaab kaga guuleysteen Nawaaxiga Garissa.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya oo sheegay inay Alshabaab kaga guuleysteen Nawaaxiga Garissa.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamud Ali Salah ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Nation, wuxuuna tilmaamay in Dib-u-furista Jamaacadda Garissa astaan u tahay inay ku guuleysteen dagaalkii ay kula jireen waxa uu ugu yeeray Aragtiyaha Alshabaab. Waxa uu intaasi ku daray inaysan xubnaha Alshabaab ku sii nagaan doonin Gobalka W/bari Kenya, waa sida […]

- Advertisement -

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamud Ali Salah ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Nation, wuxuuna tilmaamay in Dib-u-furista Jamaacadda Garissa astaan u tahay inay ku guuleysteen dagaalkii ay kula jireen waxa uu ugu yeeray Aragtiyaha Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan xubnaha Alshabaab ku sii nagaan doonin Gobalka W/bari Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

“Tan iyo markii la soo weeraray Jaamacadda Garissa, waxaan kordhinay Roondada Boliska ee gudaha iyo daafaha Degmadda, mana dhicin shilal kale dhowrkii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri Mohamud Ali Saleh

Sidoo kale, waxa uu qiray inay Alshabaab weli ku xooggan yihiin Mandera oo uu xusay inay ku taallo meel aad ugu dhow Xuduudka Somalia, balse ay Ciiddanka Ammaanka natiijo fiican ka keeneen ammaanka inta u dhexeysa Degmooyinka Mandera iyo Ceel-waaq Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaamacadda Garissa, Prof. Axmed Cumar Warfa ayaa sheegay in Bar Bolis laga dhisay Jamaacadda gudaheeda, isla markaana ay Dowladda Kenya ku kharaj gareyn doonto 230 million oo Shillinka Kenya si Jamaacadda loogu samayn lahaa Xayndaab Adag iyo Kaamerooyinka Qarsoon ee CCCTV si loola socdo Dhaqdhaqaaqa gudaha iyo hareeraha Jamaacadda.

- Advertisement -

©Radio Dalsan 

Latest stories