HomeWararBoliska Britain oo baaraya inay Haweeneyda lala xiriirinayo Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ku...

Boliska Britain oo baaraya inay Haweeneyda lala xiriirinayo Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ku sugan tahay gudaha Britain.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Boliska Britain ayaa sheegaya inay baarayaan wararka sheegayo in Samantha Lewthwaite oo loo yaqaano Carmalada Cad lagu arkay iyadoo ku sugan Hotel ku yaalla magaalladda Darlington ee W/bari ee Gobalka England ee dalka Britain. Haweeney u muuqaal ah Carmalada Cad ayaa lagu arkay Hotelkaasi bishii la soo dhaafay 26-da, sida ay Boliska u sheegtay Haweeney […]

- Advertisement -

Boliska Britain ayaa sheegaya inay baarayaan wararka sheegayo in Samantha Lewthwaite oo loo yaqaano Carmalada Cad lagu arkay iyadoo ku sugan Hotel ku yaalla magaalladda Darlington ee W/bari ee Gobalka England ee dalka Britain.

Samantha  LewthwaiteHaweeney u muuqaal ah Carmalada Cad ayaa lagu arkay Hotelkaasi bishii la soo dhaafay 26-da, sida ay Boliska u sheegtay Haweeney soo aragtay Samantha Lethwaite.

- Advertisement -

Afhayeenad u hadashay Boliska Durham ayaa sheegtay inay baaritaan ku hayaan warkaasi, inkastoo ay Warbaahinta Britain sheegeen inaysan Boliska u arkin warkaasi mid khatar ah.

Afhayeenad u hadashay Hotelka Bannatyne ee magaalladda Darlington waxay ka gaabsatay inay xaqiijiso ama beeniso inay  Samantha Lewthwaite u timid Hoteelka indha-indhayn iyo inay iska diiwaangeliso.

Samantha Lewthwaite oo 32 jir, lehna 4 carruur ah ayaa waxaa aad u baadi-goobaya Saraaakiisha Boliska Calaamiga ee INTERPOL, iyadoo lagu eedeynayo inay ahayd maskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Alshabaab sannadkii 2013-kii ku qaadeen Dhismaha Ganacsiga ee Westgate Mall ee ku yaalla Nairobi, laguna dilay 67 qof.

- Advertisement -

Waxaa kaloo lagu eedeynayaa weerarkii ay Alshabaab 9 bilood ka hor ku qaadeen Jamaacadda Garissa, laguna dilay 148-qof.

Dhinaca kale, Samantha Lewthwaite oo inta badan isticmaasha naanaysyadda Nataliye Web iyo Sherafiyah Lewthwaite waxay ahayd xaaskii uu ka geeriyooday Germaine Lindsay oo bishii July 7-dii ee sannadkii 2005-kii isku qarxiyey magaalladda London, oo ay ku geeriyoodeen 27-qof.

©Radio Dalsan 

Latest stories