HomeWararMaraykanka oo faahfaahiyey sababihii ay u xireen Garoonkii ay u adeegsadeen dilkii...

Maraykanka oo faahfaahiyey sababihii ay u xireen Garoonkii ay u adeegsadeen dilkii Amiirkii Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan joojisay Saldhig ku yaalla Koonfurta Ethiopia,  oo ay ka kici jireen Diyaaradaha Droneska ee duqeymaha ka geysta gudaha dalka Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ay Alshabaab ku xooggan yihiin. Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon” ayaa qaatay go’aanka lagu xiray Hawlgalkii Droneska ee Saldhigga ku yaalla Degmadda Arba Minch oo 450 KM dhanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan joojisay Saldhig ku yaalla Koonfurta Ethiopia,  oo ay ka kici jireen Diyaaradaha Droneska ee duqeymaha ka geysta gudaha dalka Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ay Alshabaab ku xooggan yihiin.

Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon” ayaa qaatay go’aanka lagu xiray Hawlgalkii Droneska ee Saldhigga ku yaalla Degmadda Arba Minch oo 450 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

- Advertisement -

Afhayeenka Safaaradda Maraykanka ku leedahay Ethiopia, David Kennedy ayaa u sheegay Suxufiyiinta inuu dhamaaday Hadafkii laga lahaa Hawlgalka laga fulin jirey Saldhiggaas.

“Waxaana Dowladda Ethiopia isla garanay inaan xilligan loo baahnayn inay Ciiddanka Maraykanka sii joogaan Arba Minch” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale, Hawlgalka Droneska ee ay Sirdoonka Maraykanka (CIA)-da ka fuliyeen Saldhigaasi ayaa waxaa lagu dilay Amiirkii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane bilowgii bishii September ee sannadkii 2014-kii.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalka Droneska Maraykanka ayaa waxaa haatan laga fuliyaa Saldhigga weyn ee ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti oo lagu magacaabo Saldhigga Camp Lemonnier oo kaabiga ku haya Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Jabuuti.

Maraykanka iyo Jabuuti waxay kala saxiixdeen Heshiis Milliteri sannadkii 2014-kii, kaasi oo u oggolaanayo Milliteriga Maraykanka inay ka hawlgeli karaan ilaa sannadka 2034.

Sidoo kale, Milliteriga Maraykanka waxay Garoon ay ka soo duulaan Droneska ka dhistay Jesiiradda Seychelles oo ku taalla Badweynta Hindiya.

drones2 drones3arba minch

©Radio Dalsan        

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts