HomeWararKismaayo oo ay Sonkortu gabaabsi ku tahay iyo Sonkorta oo Kenya loo...

Kismaayo oo ay Sonkortu gabaabsi ku tahay iyo Sonkorta oo Kenya loo daabulayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wargeyska Maalinlaha ee The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa shalay qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlay Dhaqdhaqaaqa Dekedda Kismaayo, Eedeymaha sheegayo in Ciiddanka Kenya ku lug leeyihiin Dhuxusha sida sharci-darradda looga dhoofiyo Dekedda iyo Sonkorta Kontorobaanka ee loo gudbiyo Kenya. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland, Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayaa u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska Maalinlaha ee The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa shalay qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlay Dhaqdhaqaaqa Dekedda Kismaayo, Eedeymaha sheegayo in Ciiddanka Kenya ku lug leeyihiin Dhuxusha sida sharci-darradda looga dhoofiyo Dekedda iyo Sonkorta Kontorobaanka ee loo gudbiyo Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland, Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Sonkor-yari ka jirtay magaalladda Kismaayo.

- Advertisement -

Maareeyaha Dekedda Kismaayo, C/llaahi Dubbad Shiil ayaa isagana sheegay in bil kasta Dekedda Kismaayo laga soo dejiyo shixnad Sonkor oo uu culayskeedu dhan yahay 300,000 oo Kiilogaraam.

Dhinaca kale, Deeqa Yuusuf oo Dukaan ku leh Kismaayo ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horreysay oo ay Sonkor yari ka dhacdo Kismaayo.

Arrintan ayaa imaanayso iyadoo Sonkorta ka soo degta Dekedda Kismaayo si Kontorobaan ah loogu gudbiyo Kenya, sida lagu xusay Warbixino ay Guddiga QM ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eritrea soo saareen labo jeer oo ay ku sheegeen inay Maamulka Jubbaland iyo Ciiddanka Kenya ku lug leeyihiin Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Sonkorta Kontorobaanka loogu gudbiyo Kenya.

- Advertisement -

Bishii la soo dhaafay, Warbixin ay soo saareen Suxufiyiinta Caddaalad-doonka “Journalists for Justice” waxay sheegeen inay Ciiddanka Kenya ee ku sugan magaalladda Kismaayo  ku lug leeyihiin Ganacsiga Kontorobaanka ee Dhuxusha iyo Sonkorta.

Somali porters carry bags of sugar and flour from an unidentified North Korean cargo ship at the Mogadishu seaport, April 21, 2009. REUTERS/Ismail Taxta

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts