HomeWararWar-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Madaxda Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda.

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Madaxda Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda.

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxa Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda oo maalmihii la soo dhaafay ku kala aragti duwanaa Qaabka Doorashadda iyo Dowladda Cusub ee sannadka cusub ee 2016-ka ayaa waxay galabta yeesheen Kulankoodii ugu dambeeyey ee ay kaga wada tashanayeen Geeddi-socodka Somalia ee sannadka soo socda.

Kulankooda oo dhowr saacadood dib u dhacay galabta ayaa waxa uu weli ka socdaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxay kulankooda ka soo saareen War-murtiyeed ka kooban 7 qoddob oo ay ugu muhiimsan yihiin:-

  1. In la sameeyo  Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare, kuwaasi oo ka qeyb noqonaya Hanaanka Doorashadda Somalia ee Sanadka 2016.
  2. In Bisha soo socoto ee Janaayo 10-da la isugu yimaado Shir ka dhacayo magaalladda Kismaayo, oo lagu shaacin doono Hanaanka kama dambeysta ee Doorashada 2016-ka.
  3. In aysan jiri doonin Xilli-kororsi markii uu dhamaado Waqtiga Hay’addaha Dowladda ee haatan jira.
  4. In Doorashada Labada Aqal  lagu saleeyo isku dheelitirka Qaabka Qabiilka ee 4.5 iyo Qaabka Deegaanka.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta ayaa lagu wadaa inay goor dhow Saxaafadda u soo gudbiyaan War-murtiyeedkooda oo dhamaystiran, leh Saxiixa Madaxdii ku heshiisay Shirkaasi.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa isla marka la shaaciyo War-murtiyeedka oo dhamaystiran, lana wada saxiixay Insha Allaahu.

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Latest stories