HomeWararMaraykanka ku sugan Burundi oo loogu baaqay inay isaga soo baxaan dalkaasi.

Maraykanka ku sugan Burundi oo loogu baaqay inay isaga soo baxaan dalkaasi.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa uga digtay dadkooda inaysan u socdaalin dalka Britain, iyadoo kuwa haatan ku sugan Burundi loogu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan uag soo huleelaan. Arrinatan ayaa timid, iyadoo ay weli iska horimaadyo ka socdaan caasimadda dalkaasi ee Bujumbura. In ka badan 80 qof ayaa la dilay tan iyo Jimcihii la […]

- Advertisement -

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa uga digtay dadkooda inaysan u socdaalin dalka Britain, iyadoo kuwa haatan ku sugan Burundi loogu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan uag soo huleelaan.

Arrinatan ayaa timid, iyadoo ay weli iska horimaadyo ka socdaan caasimadda dalkaasi ee Bujumbura.

- Advertisement -

In ka badan 80 qof ayaa la dilay tan iyo Jimcihii la soo dhaafay.

Kooxo hubeysan ayaa ka hawlgala Burundi, iyadoo la maqlayo tashiiradda iyo qaraxyadda, inkastoa aan ilaa iyo haatan la beegsanin dadka Shisheeyaha ee weli ku sugan dalkaasi.

Waxaa laga cabsi qabaa inay dagaallo sokeeye ka qarxaan dalka Burundi oo horey u soo maray marxaladaasi oo kale, balse aysan Siyaasiyiintooda ku tusaale qaadanin Dagaalkii Sokeeye ee hore ee lagu riiqmay.

- Advertisement -

Waddankaasi waxaa wada deggan Qowmiyadaha Huutuuga iyo Tuudsiga oo uusan ka dhexeynin Gacal Walaaltinimo hadday xaajaddu isku beddesho Dagaal-sokeeye.

BN 1 BN BN 4 BN 3

burundi 33

© Radio Dalsan

 

Latest stories