HomeWararWasiirkii hore ee Awqaafka Masar oo sheegay inay Somalia noqotay Qalbiga...

Wasiirkii hore ee Awqaafka Masar oo sheegay inay Somalia noqotay Qalbiga Dagaalka Afkaarta ee Maanta.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Wasiirkii hore ee Awqaafta ee dalka Masar, ahna Xubin ka tirsan Golaha Culumadda Waa Weyn ee dalka Masar, Dr. Mohamed  Abdil-fadil Al-qowsi ayaa xaqiijiyey inay Somalia Xarun u tahay Islaamka Casriga, iyadoo ay Culumadda Dariiqadda Suufiyadda Casriga  asaas u tahay inay Somalia xarun taariikhi u noqoto Caalamka Islaamka.

Dr. Mohamed  Abdil-fadil Al-qowsi ayaa hadalkaasi ka jeediyey Xaflad ay isku duwday Jaamacadda Diiniga ee Al-azhar oo lagu soo xirayey Tababar u socday 15 Iimaam u dhalatay Somalia, kuwaasi oo Tababar u joogay dalka Masar.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dariiqadda Suufiyadda Somalia awoodeen inay isku keenaan waxa u dhexeeya Cilmiga Sharciga iyo Ruuxiyadda oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ka mid ah Muuqaalka Islaamka ee Isku-dheelitirka iyo Is-jacaylka Ummadda.

Dr. Mohamed  Abdil-fadil Al-qowsi waxa  kale oo uu sheegay inay Somalia haatan noqotay Qalbiga Dagaalka Afkaarta ee Maanta , isla markaana ay ka dilaaceen Kooxo Sumcadda Dhabta ee Islaamka ku beddelayo Dagaalo iyo Argagixiso.

Waxa uu ugu baaqay Iimaamyadda uu Tababarka u soo dhamaaday inay noqdaan kuwo fidiya Risaala Alazhar, kana shaqeeya Nabadda, Deganaanshaha iyo Is-jacaylka Ummadda Soomaaliyeed.

Iimaamyadda Masaajidda ee Tababarka loogu soo xiray Jaamacadda Alazhar ayaa loogu talagalay inay sii gudbiyaan Farriinta Jaamacadda Alazhar ee La-dagaalanka Aragtiyadda Xag-jirka iyo in laga fal-celiyo wax kasta oo ka horimaanayo Islaamka.

© Dalsan Radio

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories