HomeWararMadaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Thailand iyo Finland

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Thailand iyo Finland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Muqdisho, 1 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya. Waxaa uu ugu horeyn, Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Thailand, Mr Prasittiporn Wetprasit. Mr Wetprasit, ayaa noqonayaa danjirihii ugu horeeyay ee abid ay Thailand u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, 1 December 2015:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaa uu ugu horeyn, Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Thailand, Mr Prasittiporn Wetprasit.

Mr Wetprasit, ayaa noqonayaa danjirihii ugu horeeyay ee abid ay Thailand u soo dirto Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Thailand, Bhumibol Adulyadej.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Thailand, ayaa ka wadahadley muhimadda xiriir iskaashi oo dhex mara labada dal, waxaana labada dhinac ay isku af-garteen inay ka wada shaqeyaann mashaariicda caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

- Advertisement -

Dhanka kale, Madaxweynaha waxaa uu isla maanta xafiiskiika warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqoneysa Soomaaliya, Tarja Orvokki Fernandez.

Madaxweynaha iyo Danjire Fernanzez ayaa ka wadahadley xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan adeegyadii caafimaad ee Finland ka fulin jirtey Soomaaliya, sida barnaamijkii dabargoynta cudurka Qaaxada ama TB.

Labada dhinac waxay kaloo ka wada hadleen arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Danjire Fernandez ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiisay dhambaal ay ka sidday Madaxweynaha Jamhuriyadda Finland, Sauli Niinistö , waxayna sheegtay in Finland ay si weyn u daneyneyso dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan inay sii xoojiyaan, siina ballaariyaan.

Madaxweynaha ayaa labada danjire ee Thailand iyo Finland u balanqaaday in dowladda ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.

Kulamadaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kediye iyo mas’uuliyiin kale.

VS 1 VS 3 VS 5 VS4 VS2 vs

—DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts