HomeWararBoliska Kenya oo soo bandhigay Sawirka Jihadiste British ka tirsan Alshabaab.

Boliska Kenya oo soo bandhigay Sawirka Jihadiste British ka tirsan Alshabaab.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Inkastoo ay Boliska Kenya bilowgii isbuucan shaaciyeen inay baadi-goobayaan Muwaadin British ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Kenya ayaa waxay maanta soo bandhigeen Sawirka Jihadistahaasi. Twitterka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagu baahiyey Sawirka Jihadiste Maalik Yaasiin oo aan ku cusbayn Sawirkiisa Warbaahinta Caalamka. Wasaaradda waxay dadka Kenyanka ka codsadeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Inkastoo ay Boliska Kenya bilowgii isbuucan shaaciyeen inay baadi-goobayaan Muwaadin British ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Kenya ayaa waxay maanta soo bandhigeen Sawirka Jihadistahaasi.

Twitterka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagu baahiyey Sawirka Jihadiste Maalik Yaasiin oo aan ku cusbayn Sawirkiisa Warbaahinta Caalamka.

- Advertisement -

Wasaaradda waxay dadka Kenyanka ka codsadeen inay soo gudbiyaan Warbixino horseedi kara in la qabto Ninkaasi oo ay sheegeen inuu dheer yahay, isla markaana uu ku hadlo siiqada Englishka looga hadlo Britain.

Dowladda Kenya waxay sheegtay inay Heegan buuxa uga jiraan weeraro kaga yimaada Xarakadda Alshabaab, oo iyagu hawlgalo qorsheysan ka fuliya gudaha dalkaasi.

Bishii April ee sannadkan, waxay Alshabaab weerareen Jaamacadda Garissa, oo lagu dilay ugu yaraan 147-qof.

- Advertisement -

Weerar kale oo ay bishii September ee sannadkii 2013-kii ku qaadeen Dhismihii Dukaamaysiga  Westgate ee magaalladda Nairobi waxaa lagu dilay 67 qof.
© Radio Dalsan    
 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts