HomeWararWakiilladda Beesha Caalamka oo ku biiray Dadaalka Nabadda ee Gaalkacayo.

Wakiilladda Beesha Caalamka oo ku biiray Dadaalka Nabadda ee Gaalkacayo.

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Ergooyin ka kala socda Wakiiladda Beesha Caalamka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, ayaa waxay booqasho Maslaxad-doon ah ku joogaan magaalladda Gaalkacayo, si loo sii ambaqaado Geeddiga Nabad-raadinta iyo Heshiiska Gaalkacayo.

Ra’isul-wasaare Omar Abdirashiid ayaa Marathon Nabadayn ugu kala gudbayo Magaalladda Kala-qeybsan ee Gaalkacayo, si uu Madaxda Puntland iyo Galmudug kala hadlayo sidii qalinka loogu duugi lahaa Heshiiska Nabadda.

Ku-xigeenka Ergayga QM ee Somalia, Ergayga Gaarka ee Midowga Yurub ugu  qaabilsan Arrimaha Somalia, Michel Cerveno D’urso, Ergeyga Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan Somalia, Maxamed Cabdi Afey iyo Saraakiil ka socotay Midowga Afrika (AU) ayaa ku wada sugan Gaalkacayo, kuwaasi oo ku biiray Dadaalka Nabadda.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa weli ka biyo-diidsan inuu Kulan Toos ah la yeesho dhigiisa Galmudug, C/karriim Xuseen Guuleed, waxayna taasi noqotay caqabadda ugu adag ee ku hor gudban Ambaqaadka iyo Miro-dhalka Heshiika Gaalkacayo.

Madaxweyne Gaas ayaan aqoonsanayn Maamulka Galmudug, waana sababta uu uga dhega adeegayo inuuu Madaxweynaha Galmudug la fariisto Miiska Wada-xaajoodka ee uu Ra’isul-wasaare Sharmaarke guddoominayo.

Ergadda Beesha Caalamka ayaa ah Koox Cadaadis-saar ah, waxaana suurto-gal ah inay Madaxweyne Gaas bedelaan Mowqifkiisa si uu ugu soo biiro Miiska Wada-hadalka iyo inay xubnaha Beesha Calaamka goobjoog ka ahaadaan Wada-hadalka ilaa la wada saxiixayo Heshiiska Nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Gaas oo xushmeyn waayey dadaalka Ra’isul-wasaaraha iyo Madaxda Dowlad-gobaleedka ayaan la ogeyn go’aanka uu ka qaadan doono Ergadda Beesha Caalamka oo iyagu ah Guddi cadaadis-saar doonaya inay goobjoog ka ahaadaan saxiixa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ee Heshiiska Nabadda Gaalkacayo.

© Radio Dalsan     

 

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories