HomeWararKanada oo lagu xiray Nin Somali oo lagu eedeeyey inuu ku lug...

Kanada oo lagu xiray Nin Somali oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa falal burcadnimo hubeysan.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

  Salah Mohamed oo 22-jir ah ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda, kadib, markii ay Boliska Kanada soo qabteen xilli uu hubeysnaa. Eedeysanaha oo deggan magaalladda Surey ee dalkaasi ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay Koox burcad ah oo dhawaan isku rasaasaysay magaalladaasi. Saddex Alifle Paul Hayes ayaa sheegay inay  Eedeysanaha soo qabteen […]

- Advertisement -

 


Salah Mohamed oo 22-jir ah ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda, kadib, markii ay Boliska Kanada soo qabteen xilli uu hubeysnaa.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo deggan magaalladda Surey ee dalkaasi ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay Koox burcad ah oo dhawaan isku rasaasaysay magaalladaasi.

Saddex Alifle Paul Hayes ayaa sheegay inay  Eedeysanaha soo qabteen isagoo shil gaari galay, kadibna waxay gaarigiisa ka heleen haaweeney Soomaali oo sheegtay inuu soo afduubtay iyo qori AK 47 oo cabaysan, Bistoolad iyo cadad badan oo Mukhaadaraadka Koka’iinka iyo Herowiin.

Salah Mohamed waxaa lagu soo oogay 15 fal-dembiyeed oo ay ku jiraan inuu Boliska cabsi geliyey, inuu haystay hub sharci-darro iyo Mukhaadaraad iyo inuu khatar ku yahay Bulshadda.

- Advertisement -

Eedeysanaha ayaa waxay boliska sheegeen inuu ka mid ahaa Koox Soomaali hubeysan oo ka ganacsata Daroogada, kuwaasi oo uu dhawaan dagaal dhex maray.

Dhinaca kale, Boliska waxay abaal-marin lacageed oo dhan 5,000 oo Dollar dul-dhigeen Eedeysane kale oo la baadi-goobayo.

© Radio Dalsan

Latest stories