HomeWararGabdho lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu soo oogay Weeraradii Westgate iyo Jaamacadda...

Gabdho lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu soo oogay Weeraradii Westgate iyo Jaamacadda Garissa.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dacwad-oogaha Kenya ayaa sheegay inay hayaan Caddaymo cusub oo muujinaya in Afar haween oo u xiran inay ku biiri lahaayeen Alshabaab ku lug leeyihiin Weeraradii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen  Xarunta Dukaamaysiga Westgate ee magaalladda Nairrobi iyo Jaamacadda Garissa. Saddex ka mid ah Gabdhaha la soo eedeeyey oo u kala dhashay dalalka Kenya iyo Tanzania […]

- Advertisement -

Dacwad-oogaha Kenya ayaa sheegay inay hayaan Caddaymo cusub oo muujinaya in Afar haween oo u xiran inay ku biiri lahaayeen Alshabaab ku lug leeyihiin Weeraradii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen  Xarunta Dukaamaysiga Westgate ee magaalladda Nairrobi iyo Jaamacadda Garissa.

Saddex ka mid ah Gabdhaha la soo eedeeyey oo u kala dhashay dalalka Kenya iyo Tanzania ayaa lagu kala magacaabo Khadiija Abuubakar C/qaadir, Maryan Cabuud  Saciid iyo Umul-kheyr Saadir Cabdalla.

- Advertisement -

Boliska ayaa sheegay  inay Milliteriga Kenya ka soo qabteen gabdhahaasi Degmadda Ceel-waaq  bishii Marso 27-dii ee sannadkan, xilli ay ku sii jeedeen Somalia si ay ugu biiraan Alshabaab.

Sidoo kale, Gabadha lagu magacaabo Xaliimo Aadan Cali ayaa wacxay Boliska qabteen bishii April ee sannadkan, xilli ay ka soo ambabaxday Nairobi, kuna sii jeeday magaalladda Mombasa.

Dacwad-oogayaasha Kenya waxay sheegeen inay baareen Xogta ku kaydsan Mobayl iyo Laptop ay lahayd mid ka mid ah Eedeysanayaashaasi, isla markaana  laga helay caddaymo ku xiriirsna Weeraradii Westgate iyo Jaamacadda Garissa.

- Advertisement -

Gabdhahaasi waxaa kaloo la sheegay in magacyadda ku jira Telefoonkooda laga helay gabar kale oo la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Faadumo Saciid oo ka soo jeeda Degmadda Malinidi, taasi oo weli la baadi-goobayo.

Waaxda Dembiyadda Internetka ee Boliska Kenya ayaa soo bandhigay inay Eedeysanayaahaasi khadka Isgaarsiinta ee Skype kula xiriireen dad ku nool  magaalladda Mombasa iyo dalalka Sri Lanka, Qatar, Turkey, Rwanda, Britain iyo Imaaraadka Carabta.

Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in mar kale la soo taago Maxkamadda, iyagoo haatan ku xiran yihiin Xabsiga weyn ee magaalladda Mombasa ee loo yaqaano Shimo La Tewa Prison.

© Radio Dalsan

 

 

 

 

Latest stories