HomeWararGaalkacayo: Galbis Aroos oo lagu dilay Caruuskii Reerka Cusub,

Gaalkacayo: Galbis Aroos oo lagu dilay Caruuskii Reerka Cusub,

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Sida uu ku soo waramay Weriyeheenna Radio Dalsan ee magaalladda Gaalkacayo, Xuseen Xaddaari, waxaa xalay Waqooyiga Gaalkacayo ka dhacday fal tiiraanyo xambaarsan. Abaarihii 10:30 fiidnimo ayaa waxa uu nin hubeysan rasaas la dhacay Caruus isku diyaarinayey in loo gelbiyo Xaaska uu Dunida ka soo calmaday, waxaana halkaasi ku geeriyooday Marxuumkii Arooska ahaa. Wiil ay ehel […]

- Advertisement -

Sida uu ku soo waramay Weriyeheenna Radio Dalsan ee magaalladda Gaalkacayo, Xuseen Xaddaari, waxaa xalay Waqooyiga Gaalkacayo ka dhacday fal tiiraanyo xambaarsan.

Abaarihii 10:30 fiidnimo ayaa waxa uu nin hubeysan rasaas la dhacay Caruus isku diyaarinayey in loo gelbiyo Xaaska uu Dunida ka soo calmaday, waxaana halkaasi ku geeriyooday Marxuumkii Arooska ahaa.

- Advertisement -

Wiil ay ehel hoose yihiin ayaa la sheegay inuu dilku geystay oo uu shan xabbadood ku dhuftay Marxuumka oo xilligaasi ku jiray Farxadda Gelbiskiisa.

Dadkii ku sugnaa Xafladda ayaa wada dareemay Naxdin iyo Fajac, waxayna qaadan kari waayeen Falkaas murugadda leh, iyadoo uu shaki weyn ka jiro sababta dilka loogu soo beegay Xafladda Gelbinta.

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo dilay Caruuska, inkastoo ay dadka hadal-hayaan inuu khilaaf ka dhex jiray Reerkooda.

- Advertisement -

Boliska Puntland ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana weli socda baaritaanka lagu ogaanayo waxa dhaliyey dilkaasi.

© Radio Dalsan

 

Latest stories