HomeWararArday Somali iyo Sudanese ku nool Australia oo la aflagaadeeyey

Arday Somali iyo Sudanese ku nool Australia oo la aflagaadeeyey

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Koox Arday Somali iyo Sudan wax ka barata dalka Australia ayaa loo diiday inay galaan Dukaanka Shirkadda Apple Store ku leedahay magaalladda Melbourne ee dalka Australia. Muuqaal Video oo la soo dhigay Barta Twitterka ayaa laga arkayey mid ka mid ah Ilaaladda Dukaanka Shirkadda Telefoonadda Apple joogay oo Ardaydaasi ka horjoogsaday inay galaan Bakhaarka si […]

- Advertisement -

Koox Arday Somali iyo Sudan wax ka barata dalka Australia ayaa loo diiday inay galaan Dukaanka Shirkadda Apple Store ku leedahay magaalladda Melbourne ee dalka Australia.

Muuqaal Video oo la soo dhigay Barta Twitterka ayaa laga arkayey mid ka mid ah Ilaaladda Dukaanka Shirkadda Telefoonadda Apple joogay oo Ardaydaasi ka horjoogsaday inay galaan Bakhaarka si ay uga soo Dukaamaystaan. Muuqaalka Video-ga oo ahaa Kilib yar oo 30 seken socday ayaa waxa uu Ninka Waardiyaha sheegay inuu ugu diiday, si aysan u xadin Macaamiisha ku sugan gudaha Apple Store.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Wiilasha ayaa Ilaaliyihii weydiiyey waxa iyaga ku kallifayo inay wax xadaan.

Ilaaliyihii waxa uu hadalkiisa ku soo koobay: “Dhallinyarro, joojiya hadalka. Waxaan doonayaa inaan idinka codsado inaad ka tagtaan Dukaanka.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Dukaanka Apple Store ayaa sheegay inay ka xun yihiin falkaasi, looba baahan yahay in Macaamiisha si isku mid ah loola macaamiltamo.

- Advertisement -

Shirkadda Apple ee farsameysa Mobayladda casriga wey ka gaabsatay inay ka hadasho Xadgudubkaasi.

© Radio Dalsan

somali and Sudan Students

somali and sudan 3

somali and sudan 2

Latest stories