HomeWararSomali-Maraykan ku eedeysan inay taageereen Kooxda Daacish oo dacwado cusub lagu soo...

Somali-Maraykan ku eedeysan inay taageereen Kooxda Daacish oo dacwado cusub lagu soo oogay, dibna loo dhigay Kiiskooda

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Shanta Dhallinyarro oo ka mid ah Soomaalida deggan magaalladda Minneapolis ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Degmadda, iyadoo ay Dacwad-oogayaasha Dowladda haatan ku soo oogeen Dacwad la xiriirta inay Dhallinyaradaasi doonayeen inay dilal ka geystaan meel ka baxsan dalka Maraykanka. Kiiskan cusub ayaa waxa aad uga khatar culus yahay eedeymihii horey loogu haystay inay […]

- Advertisement -

Shanta Dhallinyarro oo ka mid ah Soomaalida deggan magaalladda Minneapolis ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Degmadda, iyadoo ay Dacwad-oogayaasha Dowladda haatan ku soo oogeen Dacwad la xiriirta inay Dhallinyaradaasi doonayeen inay dilal ka geystaan meel ka baxsan dalka Maraykanka.

Kiiskan cusub ayaa waxa aad uga khatar culus yahay eedeymihii horey loogu haystay inay Qalab ku taageeri lahaayeen Dagaalamayaashaa Daacish ee ka dagaalanta dalka Syria.

- Advertisement -

Xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ayaa ku sugnaa bannaanka Maxkamadda, waxayna sheegeen in sababaha Dhallinyaradda lagu soo oogayo Dacwadaha kale inay tahay sidii ay u qiran lahaayeen Dembiyaddii hore loogu soo oogay.

Xubnaha Jaalliyadda waxay ku baaqeen in la helo Garsoore Dhexdhexaad ah, marka Kiisaska Dhallinyaradda mar kale la geynayo Maxkamadda.

Garsoore Michael Davis oo shalay Shir-guddoominayey Maxkamadda ayaa oggolaaday Codsi uga yimid Garyaqaanadda, si Dacwadda mar kale loo dhegeysto bisha May 9-da ee sannadka soo socda.

- Advertisement -

Garsooruhu, waxa kaloo uu oggolaaday in mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Guuleed Cumar laga soo wareejiyo Xabsiga uu haatan ku xiran yahay, kadib, markii si xun loola dhaqmay.

Garyaqaanka u doodayey Guuleed Cumar oo lagu magacaabo Glenn Bruder ayaa sheegay inuu Eedeysanaha dhowrkii bilood ee la soo dhaafay xaallado cadowtinimo kala kulmo Xabsiga Ramsey, iyadoo Xabsiga lagu dhex hayo 23-saacadood maalintiiba.

 

Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Andrew Luger ayaawaxa uu Jimcihii hore sheegay in Guuleed Cumar ka cabanayo dhibaatooyin maskaxeed iyo jir ahaaneed.

 

Dhinaca kale, mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Cadnaan Faraax ayaa diiday wada-xaajood hoose oo ay Dacwad-oogayaasha ku doonayeen in Xeer jajab lagu dhameeyo Kiiskiisa, haddii uu qirto Dembiyaddii horey loogu soo oogay.

Hooyadda Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ayaan Faarax ayaa sheegtay inay aad u taageersan tahay go’aanka Wiilkeeda uu ku diiday Xeer Jajabakaasi.

 

Latest stories