HomeWararUrurka NUSOJ oo walaac ka muujyey falkii shalay lagu dilay Saxafi, mid...

Ururka NUSOJ oo walaac ka muujyey falkii shalay lagu dilay Saxafi, mid kalena lagu dhaawacay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa sheegay inay ka tiiraanyeysan yihiin falkii shalay lagu dilay Mustaf C/nuur Safaana oo ahaa Saxafi Madax Bannaan iyo dhaawacii Sawir-qaade Faysal Omar oo ka tirsan Wakaalladda Wararka ee REUTERS. Labadaasi Saxafi ayaa waxay waxyeelladdu ka soo gaartay, xilli ay warar ka tebinayeen Weerarkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa sheegay inay ka tiiraanyeysan yihiin falkii shalay lagu dilay Mustaf C/nuur Safaana oo ahaa Saxafi Madax Bannaan iyo dhaawacii Sawir-qaade Faysal Omar oo ka tirsan Wakaalladda Wararka ee REUTERS.

Labadaasi Saxafi ayaa waxay waxyeelladdu ka soo gaartay, xilli ay warar ka tebinayeen Weerarkii shalay ee ay Alshabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi.

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan waxa uu sheegay inay cambaareynayaan dhamaan weeraradda ka dhanka ah Warbaahinta iyo Shaqaalahooda, wuxuuna ku booriyey Suxufiyiinta inay ka fogaadaan goobaha ay qaraxyadda ka dhacaan, sababo ammaankooda.

Waxa kaloo uu tacsi u diray Qoyska, Saaxiibadda iyo  dadka ay isla shaqeynayeen Sawir-qaade Mustaf C/nuur Safaana

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), waxa uu  u rajeeyey Sawir-qaade Faysal Omar inuu ka soo bogsado dhaawacyadda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Geerida Sawir-qaade Mustaf Cabdinur Safaana ayaa waxay tiradda ka dhigaysaa Saxafigii 3-aad ee Somalia lagu dilo sannadkan 2015-ka.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts