HomeWararGolaha Ammaanka ee QM oo ku baaqay in la soo qabto kuwii...

Golaha Ammaanka ee QM oo ku baaqay in la soo qabto kuwii maalgeliyey iyo kuwii fududeeyey Weerarkii Alshabaab ee Hotel Saxafi

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay si wadajir ah si kulul u cambaareeyeen weerarkii Alshabaab ay shalay ku qaadeen Hotelka Saxafi, oo ay Tobaneeyo qof ku geeriyootay. Afhayeenka QM ayaa akhriyey War Qoraal oo ay Goluhu ka soo saareen Weerarkaasi, waxayna Golaha Tacsi u direen qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkaasi , guud ahaan dadka […]

- Advertisement -

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay si wadajir ah si kulul u cambaareeyeen weerarkii Alshabaab ay shalay ku qaadeen Hotelka Saxafi, oo ay Tobaneeyo qof ku geeriyootay.

Afhayeenka QM ayaa akhriyey War Qoraal oo ay Goluhu ka soo saareen Weerarkaasi, waxayna Golaha Tacsi u direen qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkaasi , guud ahaan dadka iyo Dowladda Somalia, waxayna kuwa dhaawacmay u rajeeyeen inay ka soo bogsadaan dhaawacyadda.

- Advertisement -

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay ammaaneen sida ay Ciiddanka Dowladda uga jawaabeen weerarkii Hotel Saxafi, isla markaana ay u soo badbaadiyeen dadkii ku go’doomay Hotelka.

Golaha Ammaanka ee QM waxay ku baaqeen in loo baahan yahay in Dembiilayaasha, Abaabulayaasha, Maalgeliyayaasha iyo Taageerayaasha fududeeyey Weerarkaasi  Argagixisadda la hor keeno Maxkamadda.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay ku booriyeen Dowladaha Calaamka inay Dowladda Federalka Somalia ka taageeraan si ay u gudato mas’uuliyadda kaga aadan Ammaanka, iyadoo la dhowrayo Qaraaradda Golaha Ammaanka ee QM iyo Xeerarka Calaamka.

- Advertisement -

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay ugu dambeyntii muujiyeen Taageeradda ay u hayaan Xilliga Kala-guurka ee Somalia si loo gaaro Nabad iyo Degananaansho buuxda.

© Radio Dalsan

Latest stories