HomeWararTahriibayaal Somali iyo kuwo Afrikaan ah oo ku sii qulqulayo Xeebaha Yemen,...

Tahriibayaal Somali iyo kuwo Afrikaan ah oo ku sii qulqulayo Xeebaha Yemen, si ay ugu biiraan Maleeshiyadda Xuutiyiinta

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Asharqal-awsad ee laga leeyahay dalka Sacuudiga, laguna daabaco magaalladda London ee dalka Britain ayaa qoray inay Hoggaamiyayaasha Maleeshiyadda Xuutiyiinta bilaabeen inay qortaan Qaxootiga Afrikaanka ee ku nool Goballadda ay Xuutiyiinta gacanta ku hayaan. Guddoomiyaha Gobalka Shabwa ee dalka Yemen, Kolonel C/llaahi Al-nasaay ayaa u sheegay WargeyskaAsharqal-awsad inay Madaxda Maleeshiyadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Asharqal-awsad ee laga leeyahay dalka Sacuudiga, laguna daabaco magaalladda London ee dalka Britain ayaa qoray inay Hoggaamiyayaasha Maleeshiyadda Xuutiyiinta bilaabeen inay qortaan Qaxootiga Afrikaanka ee ku nool Goballadda ay Xuutiyiinta gacanta ku hayaan.

Guddoomiyaha Gobalka Shabwa ee dalka Yemen, Kolonel C/llaahi Al-nasaay ayaa u sheegay WargeyskaAsharqal-awsad inay Madaxda Maleeshiyadda Xuutiyiinta la kulmeen Odayaal ka tirsan Qaxootiga Soomaalida, Kenya, Nigeria iyo kuwa Afrikaanka ee ku nool Koonfurta Yemen.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in laga codsaday Guddiga Qaxootiga Afrikaanka ,inay u soo qoraan Dagaalyahanno cusub, si ay uga mid noqdaan Dagaalamayaasha Xuutiyiinta ee dagalladda kula jira Ciiddanka Dowladda Sharciga ee Yemen ee taageeradda ka hela  Isbahaysiga Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobalka Shabwa ee dalka Yemen, Kolonel C/llaahi Al-nasaay waxa uu intaasi ku daray in Odayaasha la siiyey Maalgelin Lacageed, si ay Dagaalyahanno cusub uga  soo daabulaan dalalkooda, waa sida sheegay Guddoomiyahaasi.

Qaar ka mid ah  Qaxootiga Afrikaanka ayaa la sheegay in Tababar Milliteri looga furay Xero ay Xuutitiinta ku leeyihiin Degmadda Bayxaan ee Koonfurta Yemen.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Boqolaal Tahriibayaal Somali iyo kuwa Afrikaan ayaa la sheegay inay maalin kasta gaaraan Xeebaha Gobalka Shabwa ee Koonfurta Yemen oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta maamulaan.

Tahriibayaasha doonaya inay ku biiraan Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxaa marka ay soo gaaraan Xeebaha Shabwa loo gudbiyaa Caasimadda Gobalkaasi ee Cataq, waxayna lacago ka qaataan Shirkadaha Xawaaladaha ee halkaasi ka hawl-gala.

Dhinaca kale, Wargeyska Asharqal-awsad ayaa qoray in maydad badan oo dad Afrikaan ahaa lagu arkay Gobalka Ma’rib, oo ay ku dagaalameen Ciiddanka Dowladda Sharciga ee Yemen iyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts