HomeWararCiiddanka Kenya oo sheegay inay qabteen Eedeysanayaal lala xiriirinayo Alshabaab iyo Kayd...

Ciiddanka Kenya oo sheegay inay qabteen Eedeysanayaal lala xiriirinayo Alshabaab iyo Kayd badan oo hub ah

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay Labo nin oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qabteen Hawlgal ay ka fuliyeen Degmadda Garissa Koox Khaas ah oo ka tirsan Baarayaasha Boliska kana  yimid magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay hawlgal qaatay muddo labo maalmood ka fuliyeen guri la sheegay inay kireysteen rag lala xiriiinayo Alshabaab. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay Labo nin oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qabteen Hawlgal ay ka fuliyeen Degmadda Garissa

Koox Khaas ah oo ka tirsan Baarayaasha Boliska kana  yimid magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay hawlgal qaatay muddo labo maalmood ka fuliyeen guri la sheegay inay kireysteen rag lala xiriiinayo Alshabaab.

- Advertisement -

Saraakiishaasi oo la sheegay inay ku socdeen Warbixin iyo Far-muuqid ayaa sheegay inay guriga Eedeysanayaasha ka soo heleen dhowr qori iyo waxyaabaha qarxa oo  laga soo gudbiyey xuduudka Somalia, lana qorsheynayey in lagu fuliyo hawlgal, waa sida hadalka loo dhigay.

Barta Twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan labo Eedeysane lagu xiray Garissa, lana helay kayd hub ahaa.

Waxay kaloo sheegeen inay Ciiddanka Ammaanka ku raad-jooghaan dad kale oo gacansaar la leh Eedeysanayaasha la xiray.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Kenya waxay kaloo tilmaamtay inay Eedeysanayaasha la qabtay ay xiriir la leeyihiin Taliye ka tirsan Xarakadda Alshabaab, oo lagu magacaabo Mohamed Kanu, laguna naanayso Gacma-dheere, kaasi oo ay horey Milliteriga Kenya u sheegeen in lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobalka Gedo.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab wax war ah kama soo saarin Sheegashadda Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ee ku aadan in ay rag ka tirsan Alshabaab ku xireen Degmadda Garissa ee W/bari Kenya.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts