HomeWararDowladaha ay Ciiddamadda ugu badan ka joogaan Somalia oo bixin la’ Qaaraanka...

Dowladaha ay Ciiddamadda ugu badan ka joogaan Somalia oo bixin la’ Qaaraanka Urur-gobaleedka IGAD

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladda Uganda ayaa ku fashilantay inay iska bixiyaan Kharajka qaaraanka ee ay bixiyaan Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD, xilli ay Ciiddanka Kenya door ballaaran ka qaataan Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee Gobalka. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo inay Dowladda Uganda bixin la’dahay kharaj dhan 8 million oo Dollar oo uu Ururka IGAD ku leeyahay, waxayna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Uganda ayaa ku fashilantay inay iska bixiyaan Kharajka qaaraanka ee ay bixiyaan Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD, xilli ay Ciiddanka Kenya door ballaaran ka qaataan Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee Gobalka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo inay Dowladda Uganda bixin la’dahay kharaj dhan 8 million oo Dollar oo uu Ururka IGAD ku leeyahay, waxayna Saraakiisha Uganda khatar ugu jiraan in laga mamuuco inay ka qeyb galaan Shirarka IGAD.

- Advertisement -

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda, Henry Okello Oryem ayaa xaqiijiyey in lagu leeyahay Kharajkaasi, wuxuuna ku sababeeyey inay Dowladda Uganad lacag la’aan hayso.

“Waa nasiib-darro inaan bixin la’ nahay dayntaasi, laakiin waxaan rajeynaynaa inaan bixino. Waxaan filayaa inay Wasaaradda Maaliyadda bixin doonto lacagahaasi, si aan nadiif uga noqono Amaahda IGAD” ayuu yiri Wasiirkaasi.

Dhinaca kale, Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo iyagana ay ciiddamo ka joogaan Somalia, ayaa la sheegay inay ku hungoobeen inay bixiyaan Saamiga Qaaraanka IGAD, iyadoo Kenya lagu leeyahay hal million oo Dollar.

- Advertisement -

Dowladda Ethiopia ayaa iyadana lagu leeyahay 1.7 million oo Dollar, iyadoo ay Xarunta Dhexe ee IGAD ku taallo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Ma cadda sababaha ay Dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia u bixin la’ yihiin Kharajkaasi, iyadoo la og yahay inay Dowladahaasi kharaj badan iyo taageero qalab ka helaan kaalinta ay kaga jiraan Hawlgalka AMISOM.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts