HomeWararBoliska Canada oo baadi-goobayo Muwaadiniin Somali oo ku lug lahaa dilka Muwaadin...

Boliska Canada oo baadi-goobayo Muwaadiniin Somali oo ku lug lahaa dilka Muwaadin kale oo Somali ah

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Boliska Canada ayaa la sheegay inay soo saareen Amar lagu soo qabanayo labo nin oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falkii bishan August 9-dii ee lagu dilay Marxuum Kabil Abdulkadir oo 27-jir ahaa. Marxuumka ayaa la sheegay in la toogtay xilli uu saaxiibadiisa la taagnaa duleedka Hotel ku yaalla faras-magaallaha Toronto. Saddex alifle […]

- Advertisement -

Boliska Canada ayaa la sheegay inay soo saareen Amar lagu soo qabanayo labo nin oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falkii bishan August 9-dii ee lagu dilay Marxuum Kabil Abdulkadir oo 27-jir ahaa.

Marxuumka ayaa la sheegay in la toogtay xilli uu saaxiibadiisa la taagnaa duleedka Hotel ku yaalla faras-magaallaha Toronto.

- Advertisement -

Saddex alifle Joyse Schertzer oo ka tirsan Boliska magaalladda Toronto ayaa u sheegtay Suxufiyiinta inay Boliska baadi-goobayaan labada Eedeysane ee lagu kala magacaabo Mohamoud Abdiweli Dirie iyo Hassan Abdulle, kuwaasi oo ku eedeysan dembiga dilka heerkiisa koowaad.

Waxay kaloo sheegtay in ay Boliska Toronto maalintii Khamiista ee la soo dhaafay qabteen Abdullahi Ali Farah oo 20-jir, kaasi oo lala xiriirinayo dilka Marxuum Kabil Abdulkadir.

Joyse Schertzer waxay kaloo tilmaamtay in uu khilaaf ka dhex jiray Marxuumka la dilay iyo mid ka mid ah Eedeysanaha la baadi-goobayo ee Mohamoud Abdiweli Dirie, inkastoo ay ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiyo nooca uu ahaa Khilaafkaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Fowzia Hasasn oo ah Hooyadda dhashay Marxuumkaasi ayaa sheegtay inay war sugayso Caddaaladda, si loo abaalmariyo kuwii ka dambeeyey dilka wiilkeeda.
© Radio Dalsan

Latest stories