HomeWararKoox ka tirsan Dhallinyaradda Somali-Maraykan oo la hadal hayo inay ku biireen...

Koox ka tirsan Dhallinyaradda Somali-Maraykan oo la hadal hayo inay ku biireen Kooxda Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Somali-Maraykanka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inay koox kale oo dhallinyarro ah u ambabaxeen dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish. Abdirizak Bihi oo xubin ka ah Koox Waalidiin Somali Maraykan u taagan inay ka hortagaan Dhallinyaradda ku biirayso Kooxda Dacaish ayaa xaqiijiyey inuu xubnaha Jaalliyadda ka maqlay inay jiraan dhallinyarro […]

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Somali-Maraykanka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inay koox kale oo dhallinyarro ah u ambabaxeen dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

Abdirizak Bihi oo xubin ka ah Koox Waalidiin Somali Maraykan u taagan inay ka hortagaan Dhallinyaradda ku biirayso Kooxda Dacaish ayaa xaqiijiyey inuu xubnaha Jaalliyadda ka maqlay inay jiraan dhallinyarro u dhooftay, kuna biirtay Daacish.

- Advertisement -

Isagoo la hadlayey Idaacadda  Minneapolis Public Radio (MPR) ayuu sheegay inay tiro dhallinyaro Somali isugu jirta rag iyo haween ay toddobaadyadii la soo dhaafay ka tageen Maraykanka, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ku biireen Kooxaha  Jihadistayaasha.

Dhinaca kale, Senator Keith Ellison oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka, lagama soo doorto Minneapolis, ayaa sheegay inuusan Xafiiskiisa xaqiijin karin faahfaahinta Soomaalida dhooftay.

Wuxuuna sheegay inay adag tahay in la aqoonsado ama la joojiyo Dhallinyaradda u safraysa si ay ugu biiraan Jihadistayaasha.

- Advertisement -

Sentarka isagoo la hadlayey Idaacadda Minneapolis Public Radio (MPR)  ataa sheegay inay sharci tahay haddii la haysto lacag iyo Dukumentiyadda Safarka in la aadi karo magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxa uu xusay inaan la joojin karin qof sharci ku baxayo iyo qofka u dhoofayo Sababo Shaydaan.

Saraakiisha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Maraykanka iyo Xafiiska Dembi-baarista FBI-da ee magaalladda Minneapolis wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan warbixinadda ugu dambeeyey ee Soomaalida u safartay inay ku biiraan Dagaalaamayaasha Daacish.

Saraakiisha waxay sheegeen inay socdaan baaritaanno ku aadan wararka sheegayo inay jiraan dad loo qorayo inay ku biiraan Daacish ama la barayo Xag-jirnimadda Dhallinyaradda Somali-Maraykanka.

9 rag Somali iyo haweeney Reer Minnostta ayaa lagu soo oogay dembiyo la xiriiray inay qorsheynayeen inay ku biiraan Daacish, iyadoo 5 kale oo Somali Maraykan u dhoofay Bariga Dhexe la rumeysan yahay inay geeriyoodeen.

 

Latest stories