HomeWararHay’adda Socdaalka ee dalka Finland oo sheegtay qorshe cusub oo lagu soo...

Hay’adda Socdaalka ee dalka Finland oo sheegtay qorshe cusub oo lagu soo masaafurinayo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda ugu soo laabanayo Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Hay’adda Adeega socdaalka ee dalkaasi ayaa soo saartay Sharci Cusub oo Qaxootiga la diido codsigooda  magangalyo-doonka u suurto-gelin kara inay iskooda dib ugu soo laabtaan dalalkooda hooyo. Hay’addu waxay xustay inay Qaxootiga la diido codsiyadaooda weydiisan karaan Taageero Lacageed, si ay ugu adeegsadaan Safarka ay dib ugu laabanayaan dalalka ay ka soo jeedaan.. Warbaahinta Yle […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Adeega socdaalka ee dalkaasi ayaa soo saartay Sharci Cusub oo Qaxootiga la diido codsigooda  magangalyo-doonka u suurto-gelin kara inay iskooda dib ugu soo laabtaan dalalkooda hooyo.

Hay’addu waxay xustay inay Qaxootiga la diido codsiyadaooda weydiisan karaan Taageero Lacageed, si ay ugu adeegsadaan Safarka ay dib ugu laabanayaan dalalka ay ka soo jeedaan..

- Advertisement -

Warbaahinta Yle ee dalka Finland ayaa sheegtay in qeyb ka mid ah Kharajkaasi la siinayo qofka ka hor inta uusan ka dhoofin Finland, iyadoo qeybta kalena la siinayo marka uu qofkaasi tago dalkiisa hooyo.

Sharciga cusub oo si khasab ah loo dhaqan geliyey bishii July ee la soo dhaafay ayaa waxaa dib dalalkooda loogu celiyey Qaxooti u kala dhalatay Somalia, Iraq iyo Afganistan.

Dib-u-celinta Kooxdaasi Qaxootiga ayaa la sheegay in lagu kharaj gareeyey  ku-dhawaad 1,000 Euro qofkiiba.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Finland waxay horey kharajka Qaxootiga iskooda ugu laabanayo dalalkodoa hooyo kala kaashan jireen Waaxda Adeegga socdaalka, Maalgelinta Midowga Europe ee dadka laabanayo, iyadoo Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IMO) mas’uul ka tahay inay Qaxootiga u fududeeyaan Safarkooda.

Sarkaalka dhinaca Sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Finland, Jorma Kantola ayaa sheegay inay jiraan Waddamo aan oggolayn inay qaabilaan Qaxootiga iskooda ugu laabanayo.

Hay’adda  Dowladda Finland ugu qaabilsan Dib-u-celinta Qaxootiga iskooda u go’aansada inay dalalkooda ku laabtaan, ayaa sheegtay in ay 318 qof iskooda dib ugu laabteen dalalkooda hooyo sannadkii hore.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts