HomeWararSomali Kenyan ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab, iskuna dhiibay Ciiddanka Ammaanka Kenya...

Somali Kenyan ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab, iskuna dhiibay Ciiddanka Ammaanka Kenya oo la la’ yahay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Qoyska Isaaq Aadan Mahad ayaa waxay ka codsadeen Maxkamadda Sare ee Kenya inay soo farageliyaan Kiis la xiriira iyadoo ay Ciiddanka Ammaanka qabteen Wiilkooda oo horey uga tirsanaa Alshabaab, balse ay Ciiddanka Kenya qabteen bishii December 17-dii ee sannadkii 2012-kii. Garyaqaanka qoyskaasi oo lagu magacaabo Gitobu Imanyara ayaa sheegay inay Dowladda Kenya mas’uuliyadda ka saaran […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qoyska Isaaq Aadan Mahad ayaa waxay ka codsadeen Maxkamadda Sare ee Kenya inay soo farageliyaan Kiis la xiriira iyadoo ay Ciiddanka Ammaanka qabteen Wiilkooda oo horey uga tirsanaa Alshabaab, balse ay Ciiddanka Kenya qabteen bishii December 17-dii ee sannadkii 2012-kii.

Garyaqaanka qoyskaasi oo lagu magacaabo Gitobu Imanyara ayaa sheegay inay Dowladda Kenya mas’uuliyadda ka saaran tahay badbaadinta Muwaadiniinta oo dhan, balse ay ku guul-daraysatay inay soo farageliyaan Kiiskaasi.

- Advertisement -

Waxa uu ugu baaqay Taliyaha Guud ee Boliska Kenya iyo Madaxa Waaxda Baarista Dembiyadda inay sida ugu dhaqsaha badan ay Maxkamad soo taagaan Isaaq Aadan Mahad amaba ay dib ugu soo celiyaan xorriyadiisa shaqsiyadeed.

Garyaqaanka waxa kaloo uu tilmaamay inay Familka Isaaq Aadan Mahad doonayaan inay Dowladda u caddayso inuu  wiilkooda nool yahay ama uu geeriyooday.

Yacquub Isaaq Mahad oo la dhashay ninka la la’ yahay ayaa sheegay inuu walaalkiisa ay kaxaysteen Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Ammaanka Kenya, xilli uu ku sugnaa hoygooda oo ku yaalla Degmadda Mandera.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay inay qoyskiisa ku daaleen sidii ay u heli lahaayeen halka uu ku dambeeyo, maadaama ay Ciiddanka Dowladda kaxaysteen.

 © Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts