HomeWararHaweeney Ethiopian dishay cunugeeda, kuna cabaysay sanduuq

Haweeney Ethiopian dishay cunugeeda, kuna cabaysay sanduuq

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Wargeyska Khaleej times ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta  ayaa maanta qoray in  Haweeney u dhalatay dalka Ethiopia lagu soo oogay inay dishay ilmo hal bil jir ah, kadibna inta ku cabaysay saanduuq ku tuurtay meel biyo-mareen ah oo ku yaalla magaalladda  Sharjah. Hadal ka soo baxay Boliska Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay […]

- Advertisement -

Wargeyska Khaleej times ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta  ayaa maanta qoray in  Haweeney u dhalatay dalka Ethiopia lagu soo oogay inay dishay ilmo hal bil jir ah, kadibna inta ku cabaysay saanduuq ku tuurtay meel biyo-mareen ah oo ku yaalla magaalladda  Sharjah.

Hadal ka soo baxay Boliska Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay Haweeneydaasi dhagax ku riday Shandada, ka hor intaysan ku tuurin goobta biyo-mareenka ahaa.

- Advertisement -

Haweeneydaasi oo da’da 20-aadka ku jirtay ayaa u sheegtay Boliska inuu xiriir dhex maray nin ay saaxiibo ahaayeen. Xilli ay Jaariyad ahaan ugu shaqeynaysay Qoys u dhashay Iimaaraadka.

Waxay sheegtay in ninka ay  xiriirkii saaxiibtinimadda lahaayeen uu xiriirka u gooyey, markii uu ogaaday inay uur leedahay.

Haweeneydaasi oo magaceeda la qariyey, balse la soo bandhigay sawirkeeda oo indhaha khadka madow laga mariyey ayaa sheegtay inay iyada iyo haweeneydii  u fududeysay inay dhasho isla garteen inay labadooda dilaan ilmihii yaraa, kuna tuuraan biyo-mareenka Heera ee magaalladda Sharjah.

- Advertisement -

Boliska Imaaraadka Carabta ayaa ku guuleystay inay maydka ilmihii yaraa dhigaan Isbitaalka Al-qasimi Hospital,  iyadoo ay Dhakhaatiirta sheegeen in ilmaha yar la dilay.

Baaritaan ay Boliska sameeyeen ayey ku soo heleen, kuna soo xireen Lammaanihii dhalay ilmaha la dilay, iyadoo baaritaanka Dheecaanka Hiddo-sidaha ee DNA lagu ogaaday inay Haweeneydu tahay hppyadii dhashay ilmaha.

Ninka ay haweeneyda sheegtay inuu isaga ka dhalay ilmaha ay dishay  ayaa beeniyey arrinkaasi, wuxuuna sheegay inuu ku soo baraarugay, kadib, markii uu ogaaday inuu uur lahayd.

Wuxuuna sheegay inuusan waxba kala soconin ilmaha la dilay.

Haweenyda ayaa la sheegay inay si sharci-darro ku joogtay dalka Imaaraadka Carabta, kadib, markii uu ka dhamaaday Qandaraaskii Jaariyadda ee ay kula joogtay Qoys Imaaraati ah oo iyagu sheegay inay siiyeen Kharajka Tikidhka si ay ugu laabato Ethiopia, balse ay door biday inay si sharci-darro ah uga shaqeeyo goobo kale.

Latest stories