HomeWararSiyaasi ka soo jeeda Soomaalida Kenya oo ka soo horjeestay qorshe lagu...

Siyaasi ka soo jeeda Soomaalida Kenya oo ka soo horjeestay qorshe lagu xirayo Kaawooyinka laga qodo Dhagxaanta ee Mandera

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Senator Billow Keerow ayaa si kulul uga hor yimid qorshe ay Dowladda Kenya ku doonayso in lagu xiro Kaawooyinka Dhagaxa Mandhera, sababo la xiriira dhinaca Ammaan-xumida. Waxa uu tilmaamay inuu go’aankaasi yahay mid muujinaya inaysan Dowladda hubaal ka dhigi Karin ammaanka dadka Kenyaanka ee ku nool Gobalka W/bari. Senator Billow Keerow oo laga soo doorto […]

- Advertisement -

Senator Billow Keerow ayaa si kulul uga hor yimid qorshe ay Dowladda Kenya ku doonayso in lagu xiro Kaawooyinka Dhagaxa Mandhera, sababo la xiriira dhinaca Ammaan-xumida.

Waxa uu tilmaamay inuu go’aankaasi yahay mid muujinaya inaysan Dowladda hubaal ka dhigi Karin ammaanka dadka Kenyaanka ee ku nool Gobalka W/bari.

- Advertisement -

Senator Billow Keerow oo laga soo doorto Mandheera ayaa tilmaamay inay Kaawooyinka yihiin Firaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, isla markaana ay ka xoogsadaan dadka saboolka ah, wuxuuna ka digay haddii la xiro Kaawooyinka inay dhibaateyn karto nolosha shaqaale badan oo deegaanka ah.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inay Kaawooyinka ku fadhido dhul dhan 10 KM oo isku wareeg ah, iyadoo ay Gobalka W/bari ku sugan yihiin Saraakiil dhinaca ammaanka oo tiradoodu ka badan tahay 800 oo qof, oo ka kala socda Ciiddanka Milliteriga, Boliska caadiga iyo kuwa GSU iyo RDU.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii uu Guddoomiye-xigeenka Bariga Mandera, Elvis Korir waxa uu shalay ku dhawaaqay in la xirayo Kaawooyinka sababo la xiriira dhinaca ammaanka Deegaanka/

- Advertisement -

Go’aankaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab  bishii hore ee July 7-dii weerar ku dileen Shaqaale tiradoodu dhan tahay 14-qof, kuwaasi oo ka xoogsan jirey Kaawooyinka ku yaalla Mandera.

Latest stories